Kenya oo bilowday boobka dhulka gobolka Gedo

Beledxaawo (Caasimada Online) – Dowlada Kenya ayaa bilowday iney diyaarsato agabkii ay ku dhisi laheyd darbiga ay dooneyso iney ka dhisto xuduuda ay wadaagaan dalalka Soomaaliya iyo Kenya, sida ay sheegayaan waxgaradka Gedo.

Nabadoon Idiris Aadan Nuur, oo ku sugan gobolka Gedo ayaa sheegay in Kenya ay bilowday iney Jaay ku shubto dhulka Xuduuda gaar ahaan dhanka gobolka Gedo, isagoo arimahaasi ka digay iney sii socdaan.

Nabadoonka ayaa sheegay in dowlada Soomaaliya looga baahan yahay iney la xisaabtanto dowlada Kenya, maadaama ay hadda bilowdo iney Jaay dhigto dhulka Soomaaliya ee ku yaala gobolka Gedo.

“Dhulkii ayay ku dhawaad labo KM ku shubtay Jaay waxayna keensatay agabkii ay ku dhisi laheyd, hadda ayay ka gaaris leedahay walina dhismaha iney bilowdo ayay dooneysaa, dhulka ay jaay ku daadisayna waa Gedo”ayuu yiri Nabadoon Idiris.

Dowlada Soomaaliya ayaa dhawaan gudi u xilsaartay soo baarida arimaha dhulka Kenya ay dooneyso iney ku darsato ee ku yaala dhanka gobolka Gedo.

Caasimada Online
Xafiiska Beledxaawo
Caasimada@live.com