Axmed Madoobe oo weeraray BF SOOMAALIYA!!

Muqdisho (Caasimada Online) – Hogaamiyaha Maamulka Jubbaland Axmed Max’ed Islaam ‘’Axmed Madoobe’’ ayaa sheegay in Maamulka Jubbaland uusan BF Somalia u arag mid ku shaqeeya ajandaha loo sameeyay waxa uuna sheegay in gabi ahaan uu gabay howlihii loo igmaday.

Axmed Madoobe ayaa hadalkaani sheegay xili uu khudbad ka jeedinaayay Munaasabad lagu soo bandhigayay dastuurka Cusub ee Maamulkaasi waxa uuna cadeeyay in DF Somalia iyo BF ay ka seexdeen dardar galinta aayaha Somalia.

Wuxuu tibaaxay in howlihii horyaallay BF aysan waxba ka qaban islamarkaana ay ku mashquulayaan Maamullada kale iyo Xeerar hoosaadyadooda sida uu hadalka u dhigay.

Dhaliisha ka gaabinta iyo dabacsanaanta ayuu dusha uga tuuray Madaxweyne Xassan iyo Guddoomiyaha BF Maxamed Sheikh Cusmaan Jawaari oo uu sheegay inay hormuud u yihiin dhacdooyinka iminka taagan ee xalkooda uu noqday mid gacanta ka baxday.

Haddalka Axmed Madoobe ayaa imaanaya xili BF u laalay Golaha Wakiilada Maamulka Jubbaland oo la sheegay in lagu soo dhisay nin Jecleysi iyo sed bursi.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com