Jubba oo sababeysay diidmadeeda shirka Xamar

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiiru Dowlaha Madaxtooyada Jubbaland Cabdiqani Cabdi Jaamac ayaa si kooban uga hadlay aragtidooda ku aadan shirka New dealka ee maanta oo Khamiis ah lagu soo afmeerayo Magaalada Muqdisho.

Wasiiru Dowlaha waxa uu sheegay, inay soo saari doonaan qoraal saxaafadda loo qeybin doono, oo ay ku faahfaahinayaan aragtidooda ku aadan shirka iyo sababaha ay u qaadeceen, waxa uuna farta ku goday in DF Somalia aysan mudneyn in dhan waliba lagala shaqeeyo.

Waxa uu DF Somalia ku eedeeyay inay go’aan ka tashi ah ka qaadatay Maamulada dalka, hayeeshee ay qaadan doonaan mid kaasi lamid ah.

”iima muuqato waji aan kaga qeybgalno shirka News dealka, waayo DF waxa ay ku mashquushay danaheena gaarka ah iyo Horumarada ka socda deegaanada Jubba, Puntland taasina jawaab ayaan ka bixin doonaa”

DF Somalia ayuu ugu baaqay inay faraha kala baxdo umuuraha gaarka ah ee Maamulka Jubbaland, waxa uuna ku eedeeyay inay ka dhamaan la’ dahay dabagalka shaqooyinka Maamulka.

Madaxweyne Xassan ayuu ku eedeeyay inuu gacan ka geystay burburinta Baarlamaanka Jubbaland, sidaa awgeedna aysan ku waajibin inay xaadiraan shirka ilaa laga xaliyo Khilaafyada iyo qaladaadka ay tabanayaan.

Dhanka kale, waxa uu DF ku booriyay inay ku dadaasho xalinta boogaha la gaarsiiyay Maamulka Jubba iyo Puntland.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com