Imisa bil ayaa mushaar laga qaadan xafiiska CC?

Muqdisho (Caasimada Online) – Wararka ka imaanaya dhanka Xafiiska Ra’isul wasaaraha dalka Cumar C/rashiid Cali Sharmaarke ayaa sheegaya in shaqaalaha Xafiiskiisa ay ka cabanayaan Mushaar la’aan.

Xubin firfircoon kana tirsan Xafiiska Ra’isul wasaaraha ayaa Caasimada u xaqiijiyay in kala bar shaqaalaha Xafiiska aan mushaar lasiin muddo 5-billood ah.

Shaqsigaasi oo walaac gaar ah ka muujiyay isticmaalka magaciisa ayaa sheegay in shaqaalaha Xafiiska ay u qeybsamaan Seddex qeyb oo siyaaba kala duwan u qaata Mushaarka, balse qeyb kamid ah aysan Shan bil arag mushaarkooda.

Waxa uu sheegay in dhibaato farabadan ay ku qabaan mushaarka taasina uu sabab uga dhigay Musuq-maasuqa ka taagan Xarumaha DF Somalia.

Xiliyada qaar ayuu sheegay in shaqaalaha laga saaro liiska Mushaarka, booskiisina lagu buuxiyo shaqsi kale, waxa uuna ku micneeyay inay qeyb ka tahay xaq darada lagu hayo shaqaalaha usoo shaqa taga Xafiisyada Dowlada.

Dhanka kale, waxa uu meesha ka saaray inay jirto cid la xisaabtameysa shaqsiyaadka is dabamarinaaya Mushaaraadka, markii laga reebo dhowr qof oo il gaar ah lagu hayo mushaarkooda.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com