Xasan Sheekh oo ka hadlay diidamada Puntland, Somaliland iyo Jubaland ee shirka Muqdisho

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta magaalada Muqdisho si rasmi ah uga furey shirkii labaad ee caalamiga ah ee Madasha Waddamada iyo Hay’adaha Iskaashiga la leh Soomaaliya.

Shirka ayaa waxaa ka qeyb galaya qaar ka mid ah maamul goboleedyada dalka, waxaase ka maqan Somaliland, Puntland iyo Jubaland

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay inuu aad uga xun yahay in Somaliland, iyo maamullada Puntland iyo Jubba ay qaadaceen ka qeybgalka shirka, walow, martiqaadyo rasmi ah loo fidiyey.

“Somaliland, Jubba iyo Puntland waxay saddexduba muhiim u yihiin hirgelinta Soomaaliya cusub ee ku dhisan dimoqraadi iyo nabad ku wada noolaansho. Dadaal badan ayaan sameyney aniga iyo Ra’iisul Wasaaraha oo aan dooneyney in maamullada Jubba iyo Puntland ay shirkan ka soo qeybgalaan, hase yeeshee way ku gacan seyreen. Balse waxaan sii wadeynaa inaan wadahadal iyo tashi la sii yeelanno dhammaan qeybaha kala duwan ee dalka, si aan wadajir dib ugu dhisno Soomaaliya”

Dhinaca doorashooyinka, Madaxweynaha waxaa uu sheegay in sannadka 2016 aysan dalka ka dhici karin doorasho ku dhisan qof iyo cod, marka loo eego xaaladda dalka ka jirta, balse la dersayo qaababka kale ee suuragalka ah ee dalka looga sameyn karo doorashooyin horseedi doona dhismaha baarlaman cusub iyo xukuummad.

Shirkan ayaa lagu wadaa in maalinta beri ah si rasmi ah loo soo gabagabeeyo.

xasan x1xasan x2xasan x3xasan x4

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com