SAWIRRO: Faroole oo ku laabtay Garoowe, kana sheegay in madaxweyne CABDI WELI GAAS….

Garoowe (Caasimada Online) – C/raxmaan Sheekh Maxamed Maxamuud (Faroole), Madaxweynihii Hore Ee Maamulka Puntland, ayaa waxa uu maanta uu dib ugu soo laabtay Magaalada Garoowe Ee Gobolka Nugaal.

C/raxmaam Sheekh Maxamed Maxamuud oo maalmahaanba booqasho ku joogay Magaalada Hargeysa, ayaa maanta si weyn loogu soo dhaweeyay Xarunta Gobolka Nugaal Ee Magaalada Garoowe.

C/raxmaan Faroole oo Saxaafadda kula hadlay Garoonka Garoowe, ayaa marka hore dadkii soo dhaweeyay kaga mahadceliyay sida quruxda badan leh, ee ay ugu soo dhaweeyen Magaalada.

Ma uu ka hadlaayay ujeedada uu Puntland ugu soo laabtay, ayaa wuxuu ku sheegay arrimo la xiriira qoyskiisa, ka dib dhib weyn oo qoyskiisa soo wajahay billo ka hor, markii uu ka mid ah wiilashiisa uu dilay hooyadii (Xaaskii Faroole).

Wararka ayaa sheegayey in socdalka Faroole uu ku saabsan yahay xiisadda ka dhex oogan Gaas iyo beesha Faroole ee degta gobolka Nugaal, waxaase hadda Faroole uu caddeeyey inuusan caqabad ku ahayn Gaas.

Waxa uu sheegay inaanu Puntland ugu soo laaban in cid gaar ah uu culeys saaro, waxa kaloo uu meesha ka saaray in arrimo siyaasadeed uu ugu soo laabtay Garoowe.

“Uma imaan inaan cid culeys saaro, uma imaan arrin siyaasadeed…shiddo ma wado cidna shar kulama socdo…waxan u imi booqasho faamilkeyga ah” ayuu yiri. 

faroole 6faroole 1faroole 3faroole 4faroole 5faroole 7faroole 2