XASAN SH. iyo Nicholas Kay oo jeediyay hadallo is qilaafsan (Yaa iska leh go’aanka u dambeeya?)

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheikh Maxamuud, ayaa maanta hadal dhinacyo badan taabanaya ka jeediyay shirka looga hadlayo hiigsiga sanadka 2016, kaasi oo uu kusoo hadal qaaday waxyaabaha dowladiisa u qabsoomay.

Madaxweynaha ayaa sheegay in laga soo bilaabo shirkii magaalada Copenhagen dowladiisa ay ku guuleysatay dhismaha qaar kamid ah maamul goboleedyada dalka sida Koofur galbeed iyo maamulka Galmudug, haddana uu socdo dhismaha shirka maamulka Hiiraan iyo Shabeelaha Dhexe.

Madaxweynaha ayaa si cad u sheegay in dalka wax doorasho ah aysan ka dhici karin dalka Soomaaliya isagoo soo xiganayay hadalkii ay soo saareen baarlamaanka iyo xukuumada Soomaaliya, suurogalna aysan aheyn iney dhacdo doorasho ah ruux iyo codkiisa/

Dhanka kale Nickolas Kay ayaa sheegay in dalka Soomaaliya ay doorasho ka dhaceyso marka la gaaro 2016 laakiin ma uusan cadeyn in doorasho ay ka dhacdo dalka Soomaaliya.

Labada hadal oo ay jeediyeen Nickolas Kay iyo Xasan Sheikh Maxamuud ayaa u muuqanaya kuwo kala duwan, lamana oga sanadka 2016 sida dalka ay doorasho kaga dhici doonto.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com