Madaxweyne Xasan Sheikh oo shirka hiigsiga ka cadeeyay mowqifkiisa iyo beesha caalamka oo…

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka ah ee Somalia Xassan Sheekh Maxamuud, ayaa goordhow shirka New Deal ee ka socda Magaalada Muqdisho ka shaaciyay go’aankiisa ku aadan nooca ay tahay doorashada la filaayo inay ka dhacdo dalka Somalia.

Madaxweyne Xassan ayaa xubnaha Beesha Caalamka ka jooga madasha shirka ka hor cadeeyay in dalka Somalia xiligaani uusan ka dhici karin doorasho nin iyo codkiisa, waxa uuna xubnaha Beesha Caalamka ka joogay shirka u sheegay inay ku raali ahaadan go’aankaasi.

Waxa uu sheegay in dalka Somalia amaankiisa uu yahay mid aan leysu haleyn karin waa haddii la yiraahdo Somalia doorasho nin iyo codkiisa ah haka dhacdo.

Madaxweynaha ayaa sidoo kale Xubnahaasi ka hor cadeeyay in doorashada ay qorsheynayaan ay noqon doonto mid xalaal ah, balse aysan codeyn doonin dadka shacabka, bacdamaa dalka uusan ku taagneyn cago wanaagsan.

Haddalka Madaxweyne Xassan ayaa noqonaaya mid raja beel ku ridaayo Beesha Caalamka oo mudooyinkaani danbe ka walaacsanaa nooca ay noqon doonto doorashada la filaayo inay ka dhacdo Somalia.

Geesta kale goortii uu Madaxweyne Xassan dhameeyay kalmadiisa, ayaa waxaa qadar hal daqiiqo oo baroor diiq aamusnaan ah loo sameeyay dadkii waxyeeladda ay ka soo gaartay Qaraxii Hotel Jazeea maalintii Axada.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com