XOG CUSUB: DF oo wada hadal la fureysa Kenya

Muqdisho (Caasimada Online) – Warar hoose oo aan ka heleyno dhanka xubno ka tirsan Wasaarada arrimaha Dibadda Somalia, ayaa xaqiijiyay in Magaalada Nairobi uu ka furmi doono wada hadal u dhaxeyn doona DF Somalia iyo Dowlada Kenya.

Xogtu waxa ay tibaaxeysa in wada hadalkaasi uu u dhexeyn doono Madaxtooyada labada dal oo ay wehlin doonaan Wasaaradaha arrimaha dibadda Somalia iyo Kenya.

Labada dal ayaa kawada hadli doona arrimo dhowr ah oo ay ugu weyn tahay muranka Badda oo gaaray heer caalami, waxaana la filayaa in labada dhinac ay ka doodi doonaan bilowga muranka ilaa iyo heerka uu hadda gaarsiisan yahay.

Wada hadalka ayaa la soo warinayaa inay qeyb ka noqon doonaan Xubno ka socda Beesha caalamka waxaana jiro warar hoose oo sheegaya in fadhigaasi ay kamid noqon doonaan Saraakiil ka socota Maxkamada caalamiga ee dhawaan loo gudbiyay Dukumiintiga muranka Badda.

Sidoo kale, wada hadalka kadib ayaa la qorsheynayaa in Madaxweynayaasha labada dal ay kulmi doonaan , waxa ayna ka wada hadli doonaan Siyaasadda, ammaanka, dhaqaalaha, iyo iskaashiga.

Dhanka kale, Wadahadalada labada dowladood ayaa ku soo beegmaya iyadoo muddooyinkii dambe labada dhinac uu ka dhex aloosanaa Khilaaf iyo muran xaggan oo ka dhashay soohdimaha kaas oo ku aadan biyaha kala qeybiya labada dal.

DF Somalia ayaa u muuqaneysa inay kasoo dabacday go’aankii ahaa diidmada wada hadal ay horay u dalbatay Dowlada Kenya si xal KMG ah looga gaaro muranka Badda.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com