Xildhibaanada BF oo ku dhacay shirqoolki Xasan Sheikh & Nicholas Kay & fursad ay is-dhaafiyeen

Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaanada baarlamanka Soomaaliya oo ay matalayaan guddoonka golaha shacabka iyo xukuumadda Cumar Cabdirashiid ayaa isla oogolaaday inaysan suurta-gal ahayn in dalka Soomaaliya ay ka dhacdo doorasho qof iyo cod ah sanadka 2016.

Si kastaba qoraalkii kasoo baxay xildhibaanada kuma aysan yaboohin aragtiyo ku wajahan xaaladda dalka ee kadib August 2016 iyo sida loo soo dooran doono hay’adaha dowladda, ayaga oo sheegay in laga tashan doono inta ka harsan 2015.

Xildhibaanada iyo guddoonka waxa ay sidoo kale hilmaameen inay go’aanadii shalay ay ku daraan qodobo dastuuri ah oo ay u adeegsan kareen inay waqtiga korarsadaan, inta xal beddela kan aan macquulka ahayn ee qof iyo cod laga gaarayo.

Go’aanka xildhibaanada ayaa waxa uu qilaafayaa qorshaha Xasan Sheekh iyo Nicholas Kay oo shirka hiisgiga 2016 ku qabanaya Muqdisho arbacada iyo khamiista, shirkaasi oo ay ka qeyb galayaan qaar ka mid ah madaxda maamul goboleedyada.

Xasan iyo Kay ayaa doonaya in halkaas lagu go’aamiyo in xildhibaano ay soo xulaan maamul goboleedyada lagu beddelo xildhibaanada jira iminka, taasi oo ka horimaneysa qodobka 68-aad ee dastuurka oo dhigaya inay xildhibaanada iminka jira ay bedeli karaan kaliya xildhibaano shacabka ay soo doorteen.

Sidaa darteed waxaa muuqata in xildhibaanada aysan fahmin qorshaha Kay iyo Xasan, islamarkaana laga saxiixday sidii ay labadaas doonayeen, waxaana la filayaa in shirka 29 ilaa 30-ka July go’aan looga gaaro aayaha Soomaaliya ee 2016.

Xildhibaanada ayay ahayd in shirkooda ay ku go’aamiyaan qodobadan:-

1- In shirka 29 iyo 30 uu yahay mid aan sharci ahayn oo aan waafaqsaneyn dastuurka, islamarkaana jahwareer kale ku hogaamin kara Soomaaliya.

2- In Baarlabaanka hadda jira uu bedeli karo oo kaliya mid lagu soo doortay qof iyo cod, taasi oo meesha ka saari lahayd qorshaha Xasan iyo Kay ay aayaha dalka ugu gacan gelinayaan maamul goboleedyada.

3- In beesha caalamaka aanay soo faragashan katalinta aayaha siyaasadeed ee Soomaaliya gaar ahaan xafiiska qaramada midoobay ee UNSOM, oo isku dirka Soomaalida shaqo ka dhigtay.

Qoraalkii xildhibaanada ee shalay hoos ka aqriso.

[pdf-embedder url=”http://caasimadda.net/wp-content/uploads/2015/07/Goaanka-Guddoonka-Golaha-Shacabka-28.07.2015.pdf”]