Daawo Sawirrada: Shirkii New Deal oo Muqdisho ka furmay iyo Gaas iyo Axmed Madoobe oo ka…

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa goor dhaw xaruntii hore ee Ciidamada Cirka Soomaaliya ee Afisyoone ka furmay Shirka Caalamigaa ee looga hadlayo Hiigsiga 2016-waxaana ka qeyb galaya Madaxda Dowladda iyo kuwa Maamul Goboleedyada dalka iyo Wafuud ka socota Beesha Caalamka.

Madaxweynaha Soomaaliya iyo Ergayga Gaarkaa Ee QM u qaabilsan Arrimaha Soomaaliya ayaa wada jjir u shir Guddoominaya.

Goobta Shirka uu ka furmay ayaa waxaa ka maqan Maamulada Puntland iyo Jubbaland,iyadoo ay joogaan Galmudug iyo Koofur Galbeed.

Madaxweynaha Dowladda Soomaaliya  Mudane Xasan Sheikh Maxamuud oo Qudbad ka jeediyay Furitaanka Shirka ayaa ka hadlay Xaalada Guud ee Dalka iyo sidoo kale Waxii u soo qabsoomay Dowladda uu hogaamiyo mudadii ay jirtay.

Madaxweynaha Jamhuuriyada ayaa sheegay in ay jiran Wax badan oo Guulo laga gaaray,balse ay jiraan Waxyaabo badan oo sidii la doonayay aan u fulin.

6d6e5947 6327fa72 3d4a632e