Yusuf Garaad oo go’aankii BF iyo DF ee hiigsiga ka qoray faallo ceebtooda banaanka soo dhigtay

Baarlamaanka iyo xukuumadda Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqay in 2016 aan laga gaarin in la qabto doorasho uu muwaaddin kasta oo Soomaali ah, oo buuxiyay shurudaha aan weli la aqoon uu codkiisa dhiibto.

Yey la hadlayaan? Tan iyo 2012 ayaa la haystaye maxaa hadda loo soo baraarugay? Muxuuse yahay yoolku? Waa su’aalaha ay qormadani u goobeyso jawaabaha.

Inkasta oo ay af Soomaali ku hadlayaan, yihiinna Baarlamaankeenna iyo Xukuumaddeenna, haddana ma ahan labada Gole cidda ay la hadlayaan ma ahan shacabka Soomaaliyeed. Ha ku ajarmin.

Sabab? Waxaa sababta kuu macneyneya goorta la soo hadal qaaday mowduuca. Sidee?

Talada sidan u culus una muhiimka ah, ah waajibaad dastuuri ah, lana haystay tan iyo 2012, wada tashi lama gelin oo Dadweynaha Soomaaliyeed lama soo hor dhigin. Ma ahan mid Madaxda Dowlad Goboleedyada la hor dhigay oo iyaguna ay Golayaashooda geeyeen. Xataa ma ahan mid uu Baarlamaanku hore uga dooday.

Maalin ka hor shirka berri ay isku hor fariisan doonaan 120 ruux oo ay ku jiraan wakiillo Dowladda ah, wakiillo Dowlad Goboleedyada ah iyo 30 wafdi oo caalami ah loona ballansan yahay in laga wada hadlo isla mowduucan ayaa wixii la rabay in la hor geeyo oo diyaarsanaa hadda loo sii qiil badsanayaa. Waa Xukuumadda oo rabta in ay ka dhex hadasho Baarlamaan isaguna kororsi doon ah. Awooddiisana ay u cuskato hadalka u qoran ee ay berri la shir tegi rabto.

Shirweyne Qaran

Waxaa kale oo ay labada Gole go’aansadeen in Shirweyne Qaran la qabto oo looga arrinsado wixii la yeeli lahaa 2016.

Wixii la yeeli lahaa 2016 waa ay qoran yihiin oo waxaa la qoray 2012. Shaqadii lagu ballansanaa in la qabto, madaxdii ku dhaaratay in ay qaban taqaan, qabanna doonto hadday tiri howshii wey qabsoomi weyday, waxaan u qabaa in markaa erayada wax laga beddelo. Doorasho lagama gaaro iyo ma qabsoomi karto ma ahan. Waa in si cad loo yiraahdo howshii ay ahayd in la qabto waa lagu fashilmay.

Taas marka la helo, weli inta aan loo boodin shirweyne Qaran iyo wadatashi waxyaabo kale ayaa ka horreeysa. Xog ayaa maqan. War hela ayaa talo hela. Adiga oo aan war u hayn waxa ay u qabsoomi weyday howshii loo ballamay, talo wanaagsan ma bixin kartid sida ay hadda loo qaban doono iyo cidda qabneysa.

Golayaashu ha na bareen sababta ay u qaban kari waayeen howshii ay u dhaarteen? Ma la aqoon waayay mise waan la rabin in la qabto? Mise wax awoodda Dowladda ka tan weyn ayaa ka hor yimid?

Marka ay arrimahaas nooga jawaabaan oo aan ogaanno sababta loo qaban waayay, ayaan talo ku darsan karnaa waxa hadda la yeeli karo.

Waan fashilmay ee maxaan yeelnaa iskuma xigi karaan.

Farsamayaqaannada xarfadda badan ah ee Xukuumadda horboodaya iyo saaxiibbadooda geed fadhiga u ah, waxaan ugu baaqayaa in xariifnimada dalka loogu shaqeeyo ee aan looga shaqeysan uun.

W/Q: Yuusuf Garaad 

Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online.

Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid