Dhageyso: Xasan Sheekh oo socdaal laba ujeedo leh uga amba-baxay Muqdisho

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynihii hore ee Soomaaliya xildhibaan Xasan Sheekh Maxamuud ahna guddoomiyaha Xisbiga Nabadda iyo Horumarka ayaa maanta ka dhoofay magaalada Muqdisho saacado kadib markii Muqdisho lagu qabtay Munaasabad lagu soo bandhigayay xisbiga uu guddoomiye ka yahay, waxaana u billowday socdaal laba ujeedo leh.

Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo shalay si rasmi ah loogu doortay Guddoomiyaha Xisbigaas ayaa sheegay in lagu casuumay munaasabad ka dhaceysa Jaamacadda Oxford Union oo ku taalla dalka Britain, isla markaana uu khudbad ka jeedin doono.

Waxa uu sheegay in laba toddobaad dalka ka maqaanaan dooni islamarkaana kadib uu magalada Muqdisho dib ugu soo laaban doono.

Ugu dambeyn waxa uu soo hadal qaaday xisbiga uu guddoomiyaha ka yahay, waxaana uu sheegay in mas’uuliyiin kale oo xisbiga ka tirsan ay joogaan, islamarkaana ay shaqada sii wadi doonaan.

Xog ay heshay Caasimada Online ayaa sheegeysa in safarka Xasan Sheekh uu sidoo kale qeyb ka yahay ololaha xisbigiisa, waxaana uu boqolaal Soomaali ah kula hadli doonaa magaalada London oo la qorsheeyey in xaflad ballaaran ay ugu qabato jaaliyadda.

Kulanka Soomaalida ee London ayaa noqon doona kii ugu horreeyey ee ololaha xisbigiisa tan iyo markii looga dhawaaqay magaalada Muqdisho.

Sidoo kale Xasan Shiilkh ayaa halkaas kulamo kula qaadan doono diplomaasiyiin ka socdo dalal shisheeye si uu uga gado fikradda Xisbigiisa oo loolan adag la geli doono Xisbiga ay Dowladda Soomaliya dhawaan sameysan doonto.

Xasan Shiikh ayaa muddo asbuuc ah ku maqnaan doono halkaas sida u isaga sheegay, wuxuuna kadib kusoo laaban doonaa Magaalada Muqdisho.

Xisbiga Xasan Shiikh Maxamuud ayaa si weyn looga hadal hayaa guud ahaan dalka Soomaaliya, waxayna durba Dowladda Soomaaliya bilowday olole ay uga hortageyso xisbigaas.

Hoos ka dhageyso codka madaxweynihii hore ee Soomaaliya

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com