Dowladda Soomaaliya oo shuruudo adag looga xiray daabacaafda lacagta cusub

Muqdisho (Caasimada Online) – Iyadoo dhawaan ay Wasaaradda maaliyadda xukuumadda federaalka Soomaaliya ku dhawaaqday in lasoo daabacayo lacago cusub ayaa waxaa haddana soo baxaaya culeysyo ku xeeran daabacaada lacagta cusub ee Sh/So.

Culeyska ka taagan daabacaada lacagta cusub ayaa la sheegay inay isugu jirto bixinta lacagaha lagu daabacaayo iyo shuruudo kale oo dhowr ah.

C/raxmaan Ducaalle Bayle, Wasiirka maaliyadda xukuumadda federaalka Soomaaliya ayaa sheegay markii hore dowladda in lagu xiray shuruudo badan oo ku saabsan soo daabicista lacagtan cusub, taasi oo keentay in dowladda xilligan ay caqabad wajahdo.

C/raxmaan Bayle ayaa qiray dhammaanba shuruudihii lagu xiray dowladda inay ka gudubtay balse ay harsan yihiin kuwa kale oo ku xayiran soo daabicista lacagta cusub ee la doonaayo in laga dhaqan galiyo dalka.

Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa la kulmeysa caqabado dhowr ah kuwaa oo xalintooda ay tahay mid ku xiran bixinta lacago shuruud ah.

Dowlada ayaa dadaal xoogan ugu jirta sidii loo heli lahaa lacag cusub oo Shillinga Soomaaliga, taasi oo hadii la soo daabaco wax badan ka bedeleysa dhaqaalaha dalka.

Sidoo kale, Wasiir Beyle ayaa meesha ka saaray in dowlada Somalia ay ka gaabin doonto wax ka qabashada culeysyada lasoo darisaya, waxa uuna ballanqaaday in xal ay u heli doonaan culeyska ka heysta daabacaada.

Haddalka Beyle ayaa kusoo beegmaya xili dhawaan dowlada Somalia ay ku dhawaaqday soo daabicida lacago cusub oo tayo leh.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com