Gaas oo qorsheynaya in uu qodobo dastuuri ah bedelo isagoo damacsan qorshe

Garoowe (Caasimada Online) – Magaalo madaxda Puntland ayaa waxaa ka socda dhaqdhaqaaq ay wadaan qaar ka tirsan Xildhibaano waqtigu kasii dhamaanayo kuwaas oo fulinaya qorshe Madaxweyne Gaas damacsan yahay inuu wax kaga badalo Dastuurka maamulkaan.

Qorshaha Madaxweyne Cabdiweli Maxamad Cali dabada ka riixayo waxaa horgale u ah Maxamad Farax Nuux ( Nuux Dheere) kaasoo lagu doonayo in markale isku day lagu sameeyo sidii kororsiimo loogu sameyn lahaa tirada mudanyaasha aqalka wakiilada Puntland halka tirada Madaxweyne ku xigeenada la rabo in laga dhigo Labo.

Tiro Xildhibaano ah oo Nuux Dheere horkacayo kuwaasoo aan beelahooda ka haysan ogolaansho iney markale kamid noqdaan aqalka Wakiilada Puntland  ayaa waxay qoreen mooshin ay Gudoomiyaha Barlamanka kaga dalbanayaan in kulan aan caadi aheyn isugu yeero aqalka balse waa uu ku ku gacan-sayrey.

Madaxweynaha waqtigu ka dhamaadey Cabdiweli Maxamad Cali Gaas oo aan weli ku dhawaaqin inuu musharax yahay islamarkaana lug jiid kuwada magacaabista guddiga xalinta khilaafaadka ayaa dad xogogaal ah ee la hadlay warsidahaan waxay u sheegeen inuu ka shaqeynayo sidii carqalad u galin lahaa doorashada soo socota ee Puntland.

Xildhibaan Nuux Dheere oo kamid ahaa guddiga maaliyada aqalka Wakiilada ayaa waxaa la rumeysan yahay inuu qayb ka ahaa 5-tii sano ee lasoo dhaafey dhibaatooyinka maaliyadeed ee ka dhacey Puntland kadib markii uu curyaamiyey mid-kamid ah hay’dahii ilaalin lahaa ku dhaqanka misaaniyada ay maamusho hay’adda fulinta dowlada.

Talaabooyinkaan iyo kuwo lamid ah kuwasoo Cabdiweli Gaas damacsan yahay in dib u dhac ku sameeyo doorashada madaxtinmo ee Puntland ayaa waxaan ku baraarugsaneyn inta badan Musharaxiinta damacsan iney u tartamaan xilka Madaxweynaha Puntland sanadka 2019.

Wax ka badalida Axdiga maamulkaan ayaa sida qodobka 139 ee Dastuurka Puntland dhigayo waxaa ku xiran shuruudo adag kuwasoo u baahan ugu yaraan labo kalfadhi ee Barlamaan.

Barlamanka Puntland ayaa kafadhigiisa ugu dambeeyey ee lagu kala dirayo waxaa uu furmayaa October 25,2018 iyadoo muddo kooban ay xubnaha ku dhameytiri doonaan howlihii ka qabyada ahaa kalfadhigii kan ka horeyeey kadib-na Gudoonka golaha waxaa uu Xildhibnada waqtigu ka dhamaadey u kala fasaxayaa sidii beelahooda uga doonan laheyeen iney dib u soo doortaan.

Xigasho: Garoowe Online