Dhalinyaro lagala baxay guryo ku yaal Muqdisho iyo xaalad cusub oo ka…

Muqdisho (Caasimada Online) – Ciidamada dowlada Soomaaliya iyo kuwa AMISOM ayaa saaka ku jarmaaday xaafadaha degmooyinka Xamar-jajab iyo Waaberi ee gobolka Banaadir, iyagoo halkaasi ka sameynayo howlgalo amaan xaqiijin ah.

Ciidamada AMISOM ayaa la sheegay inay ku sugnaayeen wadooyinka laamiga ah ee degmooyinkaasi, laakiin ciidamada xooga dalka Soomaaliya ayaa baaritaanada ka sameynaya xaafadaha degmooyinkaasi.

Ciidamada dowlada Soomaaliya ayaa gudaha u galayay guryaha ku yaala xaafadaha degmadaasi, waxaana ay kasoo kaxeynayeen dhalinyarada dhex jiifta iyadoo aan loo eegeynin waxay yihiin.

Ciidamada AMISOM ayaa intii howlgalka uu socday waxay xereen waddada Afisyooni iyo Via Liberia ilaa wadada aada dekeda magaalada Muqdisho, waxayna dhalinyarada kala dagayeen gaadiidka, halka ciidamada XDS ay dhalinyarada kasoo baxsanayeen xaafadaha xitaa iyagoo hurdaya.

Dhalinyaro badan oo lagu qabtay howlgalkaasi ayaa la isugu geeyay gobo barxado ah oo waaweyn oo ku yaala degmooyinka Xamar Jajab iyo Waaberi oo ka tirsan gobolka Banaadir.

Degmada Waaberi ee gobolka Banaadir waxaa xalay lagu dilay garsoore ka tirsanaa maxkamada degmada Warta-Nabbada ee gobolka Banaadir.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

Caasimada@live.com