Puntland oo sun ku shubtay deegaano ka tirsan Galmudug iyo xaalad halis…

Gaalkacyo (Caasimada Online) – Wasiirka Caafimaadka Maamulka Galmudug Axmed Shariif Cali, ayaa sheegay in Deegaanada Maamulka Galmudug lagu soo Daadiyey Sunta Kiimikadaa ee Waxyeelada Geeysata.

Axmed Shariif ayaa sheegay in inta u dhaxeysa Magaalada Gaalkacyo iyo Deegaanka Docol ee Barriga Gobolka Mudug lagu Soo daadiyey Suntaasi Kiimikadaa.

Wasiirka Caafimaadka ayaa intaa ku daray hadlkiisa in ilaa Saddex Gaari oo ah Nuuca Soomaalidu ay u taqaan Candho Meydka ay Sunta Keeneen islamarkaana Gaadiidkaasi laga leeyahay Deegaanada Mamaulka Puntland.

“Dadka ku nool Degaanka Docol ayaa nagu wargaliyey Sunta Goobta la keenay, Dadka waan oga dignay in halkaasi ay tagaan,waayo waxaa ka dhalan karta Qatar weyn”ayuu yiri Wasiirku.

Axmed Shariif ayaa Arrintaasi ku Eedeeyey Maamulka Puntland oo uu sheegay in uu doonayo in uu baabi’iyo Shacabka Maamulka Galmudug.

Waa markii ugu horeysay ee la sheego in Sunta Kiimikadaa lagu soo daadiyo Deegaanada uu ka taliyo Maamulka Galmudug ee Xeebta ka Baxsan.

Caasimada Online
Xafiiska Nairobi
Caasimada@live.com