Xildhibaanno wada qorshe halis ah oo jahwareer siyaasad horseedi doona

Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan C/Rashiid Maxamed Xidig ayaa ka digey in la yareeyo tirada Cod u qaadista Sharciyada dalka ee la horkeeno Baarlamaanka Federaalka ah ee Soomaaliya, taasi oo qatar weyn horseedi doonta, haddii lagu guuleysto.

“Waxaan ogahay in markii aan joognay Baydhobo ay 70 Xildhibaan Xilka ka qaadeen Madaxweyne Qaran, sidaasi darteed Tirada Kooramka yaanan waxba laga bedelin, haddii wax laga bedelo waxaa dalka kusoo wajahan Khatar Cusub,” ayuu yiri Xidig.

Waxuu sheagay in Ololahaasi ay wadaan qaar ka mid ah Xildhibanada Baarlamaanka oo doonaya in jahwareer Siyaasadeed la galiyo dalka howlaha Baarlamaanka Soomaaliya.

“Haddii tirada laga dhigo 70 kaliya, markaa koox walba waxbay iska keeni doontaa baarlamanka, sida mooshinno aan dhammaan” ayuu ka digay Xiddig.

Hadalka Xildhiban C/Rashiid Maxamed Xidig ayaa waxaa uu imaanayaa iyadoo maalmihii ugu dambeeyey la waaynayey Cod u qaadista Hindise sharciyeedyo muhiim u ah Howlaha Dowlada Federaalka ah ee Soomaaliya, kadib markii Xildhibaano iyagoo ku sugan Hoteelo Muqdisho ku yaalla oo haddana aan imaan Golaha Shacabka.

Xildhibaanka ayaa ugu baaqay Gudoonka Baarlamaanka Soomaaliya in maqnaanshaha badan ee Xildhibaanada lagu xaliyo Ganaax iyo sharciyo kale oo adag balse aan la yareyn Kooramka Codka loogu qaadayo marka Hindise la keeno Baarlamaanka.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com