Ciidamada Barre Hiiraale dagaal ku ah Kismaayo iyo xog sheegeysa in hub…

Kismaayo (Caasimada Online) – Afhayeen u hadlay garabka Barre Aadan Shire Hiiraale ayaa ka hadlay qorshe ay ka doonayaan magaalada Kismaayo ee gobolka Jubbada Hoose halkaasi oo ay ku sugan yihiin ciidamada maamulka KMG ee Jubba iyo AMISOM.

Cabdirashiid Macalin Gaas, oo ah afhayeen u hadlay garabka Barre Hiiraale ayaa sheegay in ciidamadooda ay wadaan qorshe ay dagaal kula wareegayaan magaalada Kismaayo ee gobolka Jubbada Hoose.

“Wadan shishiiye maahan Kismaayo, haddii bariga ay soo maraan iyo haddii Badda ay soo maraanba waxaan ku soconaa Kismaayo, waxayna ka kooban yihiin ciidamadaasi dhamaan beelaha daga gobolka”. Ayuu yiri Mr Gaas.

Dhanka kale afhayeenka u hadlay ciidamada Barre Aadan Shire Hiiraale ayaa sheegay xogta ku aadan halka ay ka helaan hubka ay kula dagaalamayaan ciidamada maamulka KMG ah ee ka dhisan magaalada Kismaayo iyo gobolada Jubbooyinka.

“Waxaan kuu sheegayaa in saacadaha soo socda aan ku wajahanahay Kismaayo, waxaa jirta dowlad hubka aan ka helno oo la yiraahdo Cirtoogte, dowladaasi waa dowlad Soomaaliya ka jirto waana Cirtoogte, qabiil walbana wey soo hubeynaysaa” sidaasi ayuu yiri afhayeenka u hadlay Barre Hiiraale.

Afhayeenka ayaa sheegay in muddooyinkii dambe ay ku sugnaayeen duleedka magaalada Kismaayo ee gobolka Jubbada Hoose, iminka ay doonayaan inay gaaraan magaalada Kismaayo, wuxuuna sheegay inay u dulqaadan waayeen dhibka loo geysanayo shacabka ku dhaqan Jubbooyinka.

Si kastaba, dhowr jeer ayay sidaan oo kale dagaal ugu hanjabeen kooxda Barre Hiiraale, mana dhicin wax dagaallo ah.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Kismaayo

Caasimada@live.com