Xog: DF oo ogolaatay in kooxda Axmed Madoobe ay isku ballaariso GEDO

Muqdisho (Caasimada Online)-Dowladda Soomaaliya ayaa lagu eedeeyay in ay taliye cusub oo xiriir la leh maamulka KMG ah ee Axmed Godane u magacowday gobalka Gedo.

Guddoomiyaha ururka haweenka gobalka Gobalka Gedo, Faadumo Sheekh ayaa warbaahinta u sheegtay in abaandulaha ciidamada xooggan uu taliye cusub u magacaabay gobalka Gedo isagoona badalay taliyihiin hore Korneel Black.

Waxay sheegtay in Korneel Black uu mudnaa in la dalacsiiyo oo darajo la siiyo balse mudnaantiisa ay noqotay in xilka laga qaado.

Waxay sheegtay oo kale in dhammaan dadka gobalka Gedo ay ka soo horjeedaan xilka laga qaaday taliyaha ciidamada gobalka Gedo iyadoona intaas ku dartay in ninka loo magacaabay xilkaas uu xiriir la lee yahay maamulka KMG ah ee Jubba.

Waxay sheegtay oo kale in dowladda ay rabto in maamulka Axmed Madoobe ku soo ballaariso gobalka Gedo oo dhan sidda ay hadalka u dhigtay.

Ugu dambeyn waxay sheegtay in maanta oo Isniin ah qeybo kamid gobalka Gedo ay ka dhici doonaan dibadbaxyo looga soo horjeedo xil ka qaadista uu abaandulaha ciidamada xoogga Cabdirisaaq Khilaaf ku sameeyay taliyihii ciidamada gobalka Gedo Korneel Black.

Dowladda Soomaaliya ilaa hadda kama hadlin eedeenta loo soo jeediyay ee ah in taliye gacan saar la leh Axmed Godane in ay u magacowday gobalka Gedo.

Dhawaan magaalada Buulo-xaawo waxaa ka dhacay dagaal u dhexeeya maleeshiyaad kala taabacsan Ahlu Sunna iyo maamulka KMG ah ee Jubba.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

Caasimada@live.com