Dhallinyaro dhiganeysay munaasabad lagu kala qeybinaayo SOMALIA oo Muqdisho lagu xirxiray

Muqdisho (Caasimada Online) – Ciidamada Nabadsugida iyo Sirdoonka Qaranka Somalia iyo kuwa Booliska ayaa goordhow Magaalada Muqdisho ee Caasimada dalka Somalia ku xirxiray Dhalinyaro xuseysay 24 Sanno guuradda Maamulka Somaliland.

Dhalinyaradaani oo kor u dhaafeysay 100 ayaa waxa ay Munaasabada ku dhiganayeen Hotel ku yaalla wadada Maka Al Mukarama ee Muqdisho.

Ciidamada ayaa xiray dhalinyaradii hor boodeysay Xafladaasi waxaana sidoo kale la hakiyay gabi ahaan Munaasabada.
Maamulka Somaliland oo kamid ah Maamulada hoostaga DF Somalia ayaa iyagu gooni isaga saaraya Somalia waxa ayna sheegen inay ka go’een Somalia inteeda kale, sida ay hadalka u dhigeen.

DF Somalia ayaa dhowr jeer ka digtay in la kala qeybqeybiyo dalka Somalia, waxa ayna arrintaani imaaneysaa xili uu Khilaaf adag ka dhex taagan yahay DF Somalia iyo Maamulka gooni isu taaga Somalilan.

Si kastaba ha ahaatee Ciidamada DF Somalia ayaa iminka baaritaano ku hayo sababta keentay in dhalinyaradaasi ay u kala qeybinayaan dalka Somalia.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com