Shariif Xasan oo si kulul uga hadlay baarlamanka Jubba iyo ballan uu Axmed Madoobe uga baxay

Baydhaba (Caasimada Online) – Madaxweynaha Koonfur Galbeed Shariif Xasan Sheekh Aadan ayaa sheegey in qaabka loo qeybiyey baarlamaanka Jubbaland aysan ahayn mid caddaalad ah.

“Wax la dhiso oo bini’aadan sameeyo wax ayuunbaa ka dhinaanaayo, laakiin waxaan u aragnaa in si aanan sax ahayn, mana ahan caddaalad” ayuu yiri Shariif Xasan oo la hadlay idaacadda VOA laanteeda afka Soomaaliga.

Waxa uu sheegey in horey ay madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe ku heshiiyeen in si siman oo deegaan lagu saleeyey wax loo qeybsado, balse uu ka baxay ballantii oo aysan taasi dhicin, isaga oo dalbaday in wax la soxo.

Maamulada Jubba iyo Koonfur Galbeed Soomaaliya oo daris ah ayaa hada u muuqda kuwa sii kala tagaya, waxaana Khilaafka ka dhax aloosan labada maamul uu salka ku hayaa qaabka loo qeybiyay Baarlamaanka uu dhawaan yeeshay Maamulka Jubba, oo beel gaar ah ay boobtay.

Maamulka Jubbaland ayaanan wali ka jawaabin hadalka kasoo yeerey Koonfur Galbeed.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com