Sawirro: Axmed Madoobe iyo Diini oo Kismaayo ku kulmay iyo qorshe la isla meel dhigay (Xog) !!

Kismaayo (Caasimada Online) – Wafdi uu hogaaminayo wasiirka gaashaandhiga xukuumada Soomaaliya ayaa tagay magaalada Kismaayo.

Wafdiga Wasiirka Gaashaandhiga ayaa waxaa kamid ahaa saraakiil ciidan waxaana magaalada Kusoo dhaweeyay masuuliyiinta maamulka Jubba

C/qaadir Sheikh Cali Diini, wasiirka gaashaandhiga Soomaaliya ayaa kulan gaar ah la qaatay madaxweynaha maamulka Jubba Axmed Madoob.

Xogta aan heleyno ayaa sheegaya in kulankaasi uu ku saabsanaa arimaha isku dhafka ciidamada dowlada Soomaaliya iyo kuwa maamul goboleedyaa dalka.

Qorshahaasi ayaa waxaa wada dowlada Federaalka Soomaaliya, waxaana la doonayaa in la isku dhafo ciidamada dowlada Soomaaliya iyo kuwa maamul goboleedyada.

Kulanka gaar ah ee ka dhacay madaxtooyada maamulka Jubba ayaanan wai war laga soo saarin.

Gaashaandhiga-2 Gaashaandhiga-3 Gaashaandhiga-4

Caasimada Online
Xafiiska Kismaayo
Caasimada@live.com