Wasiirka arrimaha gudaha ODAWAA oo qaaday tallaabo aan looga baran wasiirada kale ee DFS !!

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka Arimaha Gudaha iyo Federaalka xukumadda Somalia Cabdiraxmaan Maxamed Xuseen Odawaa, ayaa goordhow shaaciyay in Soomaalida ku dhibaateysan dalka Yemen uu ugu deeqay Mushaarkii uu qaadan lahaa Bishaan.

Wasiir Odawaa ayaa sheegay inuu u danqanaayo dhibaatada heysata Soomaalida ku nool dalka dibadiisa gaar ahaan kuwa ku nool dalalka Yemen iyo South Africa, waxa uuna carabka ku dhuftay in Mushaarka Bishaani uu ku leeyahay DF Somalia uu ugu yaboohay Soomaalida Yemen.

Wasiirka oo arrintaasi ka hadlaayay ayaa yiri “Waxaan ku yaboohayaa maadaama loo gurmanayo walaalaheena, waxaan ku yaboohayaa Hal Bil oo mushaarkeyga ah, waana 5-kun oo doolarka Maraykanka”

Waxa uu intaa ku daray ”Cid walba oo Soomaaliyeed waa maalintii loo baahnaa in ay u gurmadaan walaalahooda Soomaaliyeed ee ku dhiban dalka Yemen kuwaasi oo dushooda lagu dagaallamayo”

Wasiirka ayaa Xubnaha DF Somalia Wasiirada, Xildhibaanada iyo Siyaasiyiinta ugu baaqay inay garab ka geystaan Barnaamijka gurmadka ee dhaqaalaha loogu yaboohaayo Soomaalida Yemen.

Dhanka kale, waxa uu ku baaqay in Shacabka Soomaaliyeed ay iyaguna u danqadaan walaalahooda ku dhibaateysan dalka Yemen.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com