Dhambaal ku socda Axmed Maxamed Islaam Madoobe

Guddoomiye Axmad Madoobe waxaan rabaa inaan xasuusiyo in Kismaayo ay tahay GAROOB ay soo fureen ama laga fasaqay niman badan iyadoo mid walibana waqti kooban uu la noolaa.  Maanta haddii aad adiga reerki la wareegtay marna ha u maleyn inaad weligaa joogi doonto wax kasta ood isku daydo ama xirfad kasta ood adeegsato, waayoo dhashi ay ka tageen kuwi kaa horeeyay ayaa meeshi buuxa si looga takhalusana ma sahlana.Ogaaw wixi aad ismoodo ma ahid wixii laguu maleeyana ma wada ahid, waxaanse kaala tali lahaa in islaweynida aad ka tanasusho aadan adigu is-arag aadna isna-mahadin..aqoontaada ku kororso xikmadi Carabiga ahayd oo dheheysa NINKI ISAGA IS-ARKA IYADOON DADKU ARAG DADKU MA ARKAAN.

Dhibaatada maanta idin heysata haddaad tihiin Madaxda Gobollada waa doorashada soo socota oo nin waliba dareemay inuu xaalku ku xun yahay.  Arrintina waxay gaartay heer aad dibadda kaalmo ka radsataan, ha ahaadeen dowladaha deriska nala ah iyo beesha caalamka, kaddib markii dadki gobollada degganaa ay idin karaahiyeysteen. Adigana si gaar ah lagu dhaliilay, kaddib markii aad dhirti gobolka oo dhan xaalufisay ood dhuxul ka shidatay, waxayna taasi markhaati ka tahay inaadan gobolkaan wax dan ah aadan ka lahayn nolosha dadka iyo duunyada ku dhaqan midna.

Waxaad gaartay cimrigi howl-gebka oo la yiraahdo RETIREMENT AGE xilligaasoo culumada ku takhasustay Cilmi –Nafsiga isku raaceen inuu qofku shaqada ka fadhiisto, haddii aan laga maarminna laga dhigo la-taliye hadba lala tashado marka khibrad iyo waaya-aragnimo loo baahdo. Taasu micnaheeda waxay tahay inuusan qofkaani qaban Karin howl la xariirta go’aan qaadasho iyo fulin amar ama talo ku saleysan masiirka dadka iyo dalka…marna ha u maleyn in haddii aad madaxa madoobeysato in da’adu soo yaraatay. dhibaatada murugta xambaarsan oo culeyska weyn kugu heysa ogaaw waxay horseedaa cimri deg-deg iyo caaqibo xumo kuu horseeda inuu iimaanka kaa baxo ood la mid naqato Shariif xasan iyo C/weli Gaas.

Shariif Xasan marna ma aaminsana in ruux aan isaga ahayn uu Koofur-Galbeed Maamule ka naqan karo, haddey dhacdana naftiisa ayaa loo yaabaa!!! Go’aanada aad ku gaarteen Garoowe waxay horseedeen in dadweyinhi gobolllada ku noolaa ay idinka soo horjeestaan. Taasoo laga yaabo inay dalka oo dhan sameyn xun ku yeelato, nabaduna ay faraha ka baxdo haddaan si deg-deg ah looga hortegin .

Mid kasta oo  idinka mid ah meeshuu tegi lahaa waa soo diyaarsaday haddii Somaliya lagu kala guuro!!!. Ogaada in C/weli Gaas oo kale ay dowladdu soo adeegsan karto, laakin culeyska xilka ay xambaarsan tahay awgii ayaa u diiday inay u dhaqanto sida adinka oo kale oo xilki aad dadka u qaadeen iyo shaarkii masu’uliyada aad geed soo saarteen waan ku soo illawdeen.

Nin kasta oo idinka mid ah wuxuu ku jiraa godkiisi aa biyo ugu soo galeen markaasaa la idin siiyay koombo dabada ka duleesha oo la yiri biyaha iska bixiya.Nasiib darro, biyihi waa soo badanaayaan, bal aan sugno meesha ay ku dambeyso!!!

Gunaanadka waa “joke” laga sameeyay idinka oo kale: laba nin oo waalan ayaa ka soo baxsaday Isbitaal waxayna soo xadeen baabuur.  Iyagoo socda ayaa waxa gacanta u taagay 4 nin oo baabuurti ay wateen ka burburtay…makaaseey soo qaadeen… Xoogaa marki la socday waxay la yaabeen xowliga uu ku socdo babuurka oo ahayd mid waalli ah,markaasey la hadleen midki kale oy dheheen “ u sheeg saaxibkaa xowliga tartiibi dheh” Markassuu u jawaabay “ USSSSS, aamusa shufeerka waa hurdaa ee ha toosinina”!!!

W/Q: Axmad Calasow

Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Ku soo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid