Degmada dalxiiska Xamar oo go’doon sii galaysa..!!

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa go’doon galaya degmada Dalxiiska gobolka Banaadir oo ah degmada CabdiCasiis oo dadweyne badan ay u dalxiis tagaan maalin kastaa xeebteeda Liido.

Waxii ka dambeeyay markii dowladda Imaaraatka Carabta ay xarun safaaradeed iyo mid Caafimaad ka furtay kasoo horjeedka saldhiga degmada Cabdi Casiis, waxaa ciriiri noqday wadaddii loo mari jiray degmada Cabdi Casiis.

Dadweynaha iyo gadiidka kale ayaa adeegsan jiray wadada hormarta KM0, balse waxii ka dambeeyay markii qarax uu ka dhacay hotelka Dorbin waxaa gabi ahaanba la xeray wadadaasi.

Taasi waxay dhalisay in dadweynaha loo ogolaado inay adeegsadaan wadada ka timaada dhanka degmada Shangaani ee hormarta taliska ciidamada Taraafikada, kadibna ku dhacda kaalinta shidaalka ee ku dhow saldhiga degmada CabdiCasiis, halkaasi oo fariisin ciidan laga sameeyay si loogu hubiyo gaadiidka dowladda ee maraya Laamiga KM0.

Iyadoo wadadaasi ay dadweynaha ciriiri badan kala kulmi jireen, maadaama loo adeegsanayay Gelid iyo bixid, burbur xooganna uu kamuuqday ayaa haddana roobabkii ka da’ay magaalada Muqdisho, waxay sababeen inay halkaasi biyo badan Fariistaan.

Biyaha Roobka ayaa sababay in gaadiidka Bajaajta iyo kuwa dadweynaha ay adeegsan kari waayay, sabab la xiriirta burburka iyo biyaha oo badan oo waxyeelo sababi kara.

Waa wadada kaliya ee la adeegsado marka loo socdo xeebta Liido oo aad ka timaada dhanka degmooyinka Shibis, Xamarweyne,Shangaani ilaa degmada Wadajir ee gobolka Banaadir.

Gaadiidka halkaasi isticmaala ee dadweynaha waxaa bil walbaa laga qaadaa Canshuur badan, balse lama oga halka lacagtaasi la marsiiyo.

Wadayaasha Gaadiidka Bajaajta ayaa bilaabay iney wareeg dheer usoo maraan xeebta Liido, iyaga oo Marka ay yimaadaan Isgoyska Jubba u leexda dhanka Maanabooliyo, kadibna sii mara Nasiib Buundo iyaga oo kasoo dhacaya dhanka Isgoyska Mirinaayo oo ciidamada Fadhiyo ay dhibaato kale kala kulmaan.

Waxaana taasi ay horseeday in dhaqaalaha lagu kordhiyo dadweynaha adeegsanaya Bajaajta.

Haddii aan Halka waddo ee dadweynaha u furan si xeebta Liido u gaaraan aan wax laga qaban, waxaa istaagi dooni Gabi ahaanha Dalxiiska Xeebta Liido,

Caasimada Online
Xafiiska Muqdish
Caasimada@live.com