9-ka koox ee hor-taagan nabadda Somalia (Kooxda 5-aad: Faragelin shisheeye)

Halkan ka aqriso qeybihii hore ee qormadan.

Faragelin Shisheeye

Tan iyo xiligii uu dhacay dagaalkii 1977dii ee dhex maray dowladdii Soomaaliya Iyo Ethiopia, waxaa dalka maalinba maalinta ka dambeeysa ku sii badanaayey faragelin kaga imaanayso dalal shisheeye ee doonaaya inay saameyn ku yeeshaan arrimaha aminga, dhaqaalaha, siyaasadda iyo  bulshada. Si dalkasta u gaaro danta iyo ujeedada uu leeyahay, wuxuu sameysta saaxiibbo soomaali ah oo u fuliya danahooda iyo istaraatiijadooda. Faragelinta dalalka shisheeye waxay qeybta ugu weyn ka ahayd burburintii dowladnimada iyo soo bixitaankii hogaamiye kooxyadii iyo ururo diineedyo kala dhantaalay manhajkii Shaaficiyada ee dadka soomaaliyeed haysteen.  Haddaba iyadoo la wada ogsoon yahay dhibaatooyinka faragelinta shisheeye u geysteen nabadda iyo dowladnimada soomaaliya, waxaan halkaan si kooban ku soo bandhigeynaa qaar ka mid ah saameeyntii ay ku yeesheen degenaansha iyo dib yagleelidda dowladnimada.

  1. Burburin iyo Iska Horkeenid: faragelinta shisheeye waxay keentay in ay soo ay ifbaxaan ururro beeledyo hubeysan oo aan lahayn wax hadaf iyo himillo dowladnimo ah. Si loo burburiyo shacabka soomaaliyeed ee isku isirka, diinta, luuqada iyo inta badan dhaqanka ah, waxay faragelinta shisheeye keentay in beel-beel iyo jilib-jilib laysaga horkeeno dadkii walaalaha ahaa ee danta iyo deegaanku ka dhexeeysay. Arrintaan ayaa keentay fowdo iyo sharci la’aam ku baahday dhamaan dalka iyo in qabyaaladdu gashay meelkasta oo noloshada bulshada ah. Waxaan qofkasta qasab ku noqotay inuu qabiil iyo qabyaalad maciin bido, taasoo meeshii ka saartay dowladnimadii, kala dambeyntii iyo asluubtii bulshada. Dhibaatadaan ayaa waxay keentay cuqdad iyo kala aamin bax soo kala dhexgalay shacabka iyo beelaha soomaaliyeed, waana mid ka mid caqabadaha ugu waa weyn ay dowladda soomaaliyeed manta wajahayso.
  2. Qab-qable Beeleedyo: faragelinta shisheeye waxay keentay inay soo baxaan qab-qableyaal arxan laaweyaal ah, kuwaasoo midkasta uu doonaayey inuu awood helo si uu dalka madax ugu noqdo. Qab-qableyaalkii waxay dalka ka dhigeen meel galgalin ah oo aaney ka jirin wax nabad iyo nolol ah. Faragelinta shisheeye waxay keentay in qab-qableyaalkii lagu marti-qaado shirar aan waxba ka soo baxayn, iyadoo shir kasta uu dhali jiray qab-qableyaal hor leh oo taageerro ka helaayo dowlado iyo shirkado shisheeye.  Dowladdii ku-meel gaar ahayd ee lagu soo dhisay magaaladda Carta ee dalka Jabuuti oo ahayd dowladdii ugu wanaagsaneyd ee ay ku jireen dadkii ugu aqoonta, waayo-aragnimada iyo wadaniyadda wanaagsanaa, isla markaana shacabka Soomaaliyeed aad u taageersanaayeen, waxaa hor-istaagay qab-qableyaal u adeegaya dowlado iyo dano shisheeye.
  3. Federaal Beeleedyo: faragelinta shisheeye waxay keentay in dadka soomaaliyeed loo yeeriyo nooca dowladnimo ee ay u baahan yihiin iyadoo aan la tixgelineyn dhaqankooda iyo duruufahood siyaasadeed iyo dhaqan-dhaqaale. Waxaa dadka soomaaliyeed lagu sanduleeyey in ay qaataan nidaamka is-maamul goboleed qabiil ku dhisan. Faragelinta shisheeye waxay keentay in la abuuro dowladdo leh madaxweyneyaal, baarlamaan iyo sharci dejin oo ay xukumaan dad uusan dadweynuhu ama shacabku soo dooran. Nidaamkaan ayaa wuxuu sii kordhiyey kala qeybsanaanta dowladda iyo in hogaamiye maamul-beeledyadu ay ku xirnaadaan dowlado shisheeye oo iyaga taladooda qaata. Dowladaha qaar ayaa waxay si aan qarsoodi lahayn u siiyaan Madaxweyne beeleedyada taageerro dhaqaale, mid milateri iyo siyaasadeed, iyagoo is bareer ah u curyaaminaayo in la helo dowlad leh karti iyo awood ay dalka ku samata-bixiso.
  4. Boobka Hantida Qaranka: faragelinta shisheeye waxay keentay in hantidii qaranka la boobo loona qaado dalal kale. Waxaa si aan kala har lahayn loo iibsaday ama loo boobay xoolihii iyo duurjoogtii dalka. Waxaa si aan la qiyaasi karin loo boobaa kheyraadka badda ee dalka iyadoo maraakiib waa weyn oo dalal shisheeye calankooda sita ay jillaabtaan wax kasta, taasoo xaalufin ku keentay meelo badan oo ka mid dhul-badeedka dalka. Waxaa kale oo la boobaa macaadinta iyo kheyraadka kale ee dalka. Sidoo kale, waxaa la lunsaday lana dhoofsaday dhaxal-taariikheedkii dalka iyo astaamihii soo yaalka ahaa ee dhaxalka iyo dhigaalka u ahaa ummadda Soomaaliyeed sida taallooyin, buugaag iyo raadad qaddiim ah.
  5. Tartan iyo Handadaad: maadaama dalka Soomaaliyeed uu ka mid yahay dhowrka dal ee dunida ugu qanisan marka la eego halku uu juquraafi ahaan aduunka ugu yaalo oo ah meel istaraateji ah iyo khayraadka dihin ee ceegaaga bad iyo beriba, Soomaaliya waxaa la degey tartan iyo loolan ka dhex jira dowladdo iyo shirkado caalami ah. Dowladaha reer galbeedka iyo shirkadahooda waa weyn ayaa inta badan waxay keenaan ama huriyaa colaada iyo khilaafka aan dhamaad lahayn ee dalka ka jirta. Madaxda soomaaliyeed ayaa markasta la kulma handaad iyo cabsi-gelin aan dhamaad lahayn oo ka imaaneysa dowladdo ilaalsanaayo kheyraadka dalka laakiin aan dan iyo muraad ka lahayn xal u helidda dhibaatooyinka burburiyey/hortaagan dowladnimada. Dowladahaan ayaa sheega inay lacago fara badan u bixiyeen wax loogu yeero kaalmo Bani-aadanimo ama humanitarian Aid, taasoo loo dhiibo hay’adaha UNka iyo NGO caalamiga isla markaana aaney ka soo bixin wax la taaban karo. Xaaladdaan ayaa dowladda soomaaliyeed ka dhigtay mid daciif ah oo ku nool gacmo hoorsi.
  6. Deegaan iyo Nolol burburin: faragelinta shisheeye waxay keentay in dowladdo iyo shirkado wakiilka ah dowladooda ama kooxo burcad ay dhulka iyo xeebaha dalka ku aasaan sunta nukleerka iyo dareere-warshadeedyada iyadoo aan la tixgelineyn saameeynta caafimaad iyo deegaan ee suntaas ama kiimikadaasi keeni karto. Waxaa kale oo la baabi’iyey bay’addii iyo degaankii iyadoo dhirtii laga shidaayo dhuxul dibedda loo iib geeyo. Gubidda dhirta qaarkeed u baahan yihiin ugu 50 sano si ay u soo baxaan una koraan ayaa waxay keentay xaalufin iyo isbedelku ku miyid cimiladii iyo noloshii xoolaha iyo xoolo-dhaqatada.  Saameynta deegaan burburinta ayaa waxay keeni doona dhibaatooyin ay dadka iyo dowladda Soomaaliyeed muddo badan la daalaa dhacdaan, isla markaana caqab ku noqota nolosha jiilashada soo socda…la soco qeybta xigta oo ku saabsan jabhado beeleed, insha allah.

W/Q: Dr Cabdullaahi Maxamed Xersi (Qorax). Dr. Qorax, waa aqoonyahan ku takhasusay cilmiga nabadda iyo xalinta khilaafyada haystana shahaada PhD da. Wuxuu ku noolyahay magaaladda Nairobi, dalka KenyaEmail: abdullahi.qorah@gmail.com

Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Ku soo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid