Shariif Xasan oo kalsoonida xildhibaanada K/Galbeed ku luminaya hal arrin (Xog)

Baydhaba (Caasimada Online) – Wararka aan ka heleyno magaalada Baydhabo ee gobolka Baay ayaa sheegaya in Shariif Xasan Sheikh Aadan, uu luminayo kalsoonida xildhibaanada Koofur Galbeed.

Arintaan ayaa ka dambeysay kadib markii sida xogta aan ku heleyno madaxweyne Shariif Xasan uu ku amray xildhibaanada Koofur Galbeed inaysan la kulmi karin musharixiinta kale ee ku sugan magaalada Baydhabo.

Xildhibaanadan ayaa kulamo gaar gaar ah la qaatay qaar kamid ah musharixiinta u taagan xilka madaxweynaha Koofur Galbeed, waxaana taasi ay dhalisay in Shariif Xasan uu Dareemo in culees uu kaga yimaado musharixiinta uu la tartamayo.

Xildhibaanada Qaarkood ayaa diiday amarka madaxweyne Shariif Xasan, waxaana 15 kamid ah ay yimaadeen magaalada Muqdisho si ay wadatashi ula sameeyaan xildhibaanada Federalka ee kasoo jeeda deegaanada Koofur Galbeed.

Xildhibaano badan ayaa ku mideysan in markale aysan dib usoo dooran madaxweyne Shariif Xasan, laakiin waxaa Shariifka lagu yaqaanaa ciyaarta siyaasadda Somalia, taasi oo markale u sahli karta inuu soo laabto.

Magaalada Baydhabo waxaa ku sugan Musharixiin badan oo dooneysa inay ka guuleystaan Shariif Xasan Sheikh Aadan, waxaana fursadda cidda noqoneyso madaxweynaha Koofur Galbeed ay hortaalaa xildhibaanada Koofur Galbeed.

Habeen Hore ayaa madaxweyne Shariif Xasan oo dareemay culees waxaa uu badalaad ku sameeyay dhamaan ciidamadii ka howlgalayay madaxtooyada, waxaana uu ku badalay ciidamo ay isku heyb yihiin.

Caasimada Online
Xafiiska Baydhaba
Caasimada@live.com