Wixii meydka Khashuqji ay Sacuudiga ku sameeyeen oo la ogaaday (Argagax)

Istanbul (Caasimada Online) – Masuuliyiinta dowladda Turkey ayaa baaraya suurta galnimada in meydka Wariye Jamaal Khaashuqji lagu burburiyay Aashito, kadib markii lagu dilay gudaha Qunsuliyadda Sacuudiga ee magaalada Istanbul, sida Wargeyska Washington Post uu daabacay.

Saraakiil sar sare oo ka tirsan Turkiga ayaa wargeyska u sheegay in Cadeymo ay ka heleen beerta ku taala banaanka Qunsuluyadda ay ka taageertay inay ogaadaan in meydka Jamaal la dhigay meel u dhow halka lagu dilay, kadibna aan la aasin oo lagu baabi’iyay aashito.

Markii ugu dambeysay ee la arkay Jamaal waxay aheyd 2 October xiligaasi oo uu galayay qunsuliyadda, balse masuuluyiinta Sacuudiga ayaa qiray in Jamaal uu u dhintay murun dhexmaray isaga iyo shaqaalaha, walow markii dambe Turkiga uu xogo kale banaanka keenay.

Ilaa iyo hadda lama helin meyd wariyaha oo muddo bil ah la weysan yahay.

Dacwad oogaha Turkiga Irfan Fidan ayaa Arbacadii shaaciyay sharaxaad ku aadan waxa baarayasha dambigaasi ka aamisan yihiin waxii ku dhacayKhaashuqji, waxaana la aamisan yahay in wariyaha la ceejiyay markii uu qunsuliyadda galay, iyadoo qorshaha uu ahaa mid horey loosii diyaariyay.

Dilka Wariyaha u dhashay Sacuudiga ayaa dhaliyay walaaca caalami ah, waxaana uu aad u dhaleeceyn jiray wariyaha xukunta boqortooyada Sacuudiga.

Marka hore Sacuudiga ayaa sheegay in Wariyaha uu kabaxay albaabka dambe ee qunsuliyadda, waxaana 19 bishii October ay Sheegeen war kaasi ka duwan oo ahaa inuu ku dhintay gudaha Qunsuliyadda.

Agaasimaha Hay’adda Sirdoonka ee CIA Gina Haspel ayaa u safray Turkey todobaadkii hore si uu dib ugu eego cadeymaha kiiskaasi la xiriira, waxaana uu xog ka siiyay madaxweyne Trump, waxaana aqalka cad uu shaaciyay in la sugayo Jawaabta Trump Isniinta uu ka bixiyo Kiiskaasi.

Caasimada Online
Xafiiska Istanbul
Caasimada@lice.com