CC Shakuur oo jawaab ka bixiyay arrintii uu sheegay madaxweyne FARMAAJO

Muqdisho (Caasimada Online) – Siyaasi C/raxmaan Cabdi Shakuur oo kamid ah siyaasiyiinta sida weyn u mucaaradsan dowladda Soomaaliya ayaa ka hadlay hadalkii madaxweyne Farmaajo uu ka jeediyay magaalada Jubba ee uu ku weeraray madaxda maamul goboleedyada.

C/raxmaan Cabdi Shakuur, ayaa si adag kaga jawaabay hadalkaasi, kadib wareysi uu siiyay laanta Af Soomaaliga ee BBC-da, waxaana uu daandaansi ku tilmaamay hadalkii madaxweynaha uu ku weeraray madaxda maamulada.

Wuxuu sheegay in ujeedada uu u tagay magaalada Jubba iyo khudbadda xanafta leh aysan is laheyn, sida uu hadalka u dhigay, wuxuuna sheegay in dhawaan madaxweynaha uu soo saaray qoraal uu maamulada ugu dhawaanayo, balse hadda uu sii fogeeyay.

“Khudbad daan daansi iyo dagaal uu ka muuqdo , Madaxweynaha asigaa dhowr maalin ka hor sheegay inuu gogol u fidiyay madaxda maamul goboleedyad oo ku baaqayo in shir la isugu yimaado wixii tabasho ah uu garawsan yahay, sida dad badan tuhunsan yahay martiqaadkiisa iyo fariinta xalay uu dirayay wey kala fog yihiin”ayuu yiri C/raxmaan C/shakuur.

Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa sidoo kale xusay in hadalka Madaxweynaha uusan aheyn mid ku haboon Xaalada ay Soomaaliya Maanta ku jirto.

“Waxaa rabaa inaan xusuusiyo Madaxweynaha kulankii ugu dambeeyay ee Brussels ka dhacay Beesha caalamka ayaa isugu yeertay isaga iyo Madaxda Maamul goboleedyad,a wax laga hadlayo waa arrimo Soomaaliya ku saabsan, looma yeerin Madaxweynaha keligiis, ayagana waa loo yeeray wuu ogyahay Madaxweynaha waaqica horyaala in dalkaan ku jiro marxalad dib u heshiisiin, marka aniga hadalka Madaxweynaha ilama ahan mid nabad iyo dib u heshiisiin oo isu soo dhowaansho raadinaya”ayuu yiri”ayuu yiri markale Siyaasiga C/raxmaan C/shakuur.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com