Aadan Barre oo war culus kasoo saaray khilaafka DF iyo maamul goboleedyada

Nairobi (Caasimada Online) – Xildhibaan Aadan Barre Ducaale oo kamid ah baarlamaanka dalka Kenya, ayaa wareysi uu Siiyay BBC-da Wuxuu kaga hadlay khilaafka u dhaxeeya dowladda Soomaaliya iyo maamulada dalka.

Xildhibaan Aadan Barre, ayaa ugu horeyn ugu baaqay madaxda dowladda Soomaaliya iyo maamulada dalka inay ka shaqeeyaan mideynta dalka iy in la dhameeyo khilaafyada iyo isjiidjiidka siyaasadeed ee dalka.

Xildhibaanka ayaa sheegay inuu aad kaga xun yahay khilaafka u dhaxeeya dowladda Soomaaliya iy maamul goboleedyada, waxaana uu cadeeyay in xasiloonida iyo nabad galyada Soomaaliya ay dan ugu jiro dhamaan dadka ku nool geeska Africa.

Wuxuu kula taliyay madaxda dowladda iyo maamulada dalka inay u dhimriyaan shacabka Soomaaliyeed oo ay heshiiyaan, maadaama Khilaafka dhibaato uu ku keeni karo geedi socodka nabadda Soomaaliya.

Khilaafka u dhaxeeya dowladda Soomaaliya iyo maamulada ayaa sababay in labo jeer madaxda maamulada ay ka biyo diidaan gogol nabadeed oo dowladda Soomaaliya ay ugu baaqday.

Hadalkiisa ayaa waxa uu imanayaa xildhibaanka  xilli kala qeybsanaan baahsan ay ka dhex jirto madaxda dowladda Federaalka ee Soomaaliya iyo madaxda maamul goboledyada dalka, kuwaas oo bilihii ugu dambeeyay hawada isu marinayay hadalo aad  u adag.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com