Xog ka cusub khilaafka u dhaxeeya Dagabeed iyo duqa Beledweyne (Aqri)

Muqdisho (Caasimada Online) – Kadib Khilaaf xoogan oo shalay ka dhashay shaqo joojin lagu sameeyay duqa degmada Beledweyne, ayaa waxaa arintaasi soo kala dhex galay wasiirka arrimaha gudaha iyo madaxweyne ku xigeenka Hirshabeelle.

Wasiirka arrimaha gudaha Hirshabeelle Maxamed Cali Caadle oo saaray warsaxaafadeed ayaa xilka ka qaaday duqii degmada Beledweyne oo shalay sheegay in weerar lagu qaaday xafiiskiisa.

Wareegto kasoo baxaday Xafiiska Wasiirka Wasaarada Arimaha Gudaha ee DG HirShabeelle Waxaa Xilkii looga qaaday Duqii Degmada Baladweyne, Waxaana Xilkaas loo Magacaabay Md Khadar Xasan Afrax.

Duqa Degmada Beledweyne Cali C/qaadir Faarax, ayaa ka carooday kadib markii shalay guddoomiyaha gobolka Hiiraan uu ku eedeeyay inuu lunsaday Hanti dadweyne, waxaana uu isaga oo saxaafadda la hadlayay uu sheegay in madaxda Hirshabeelle looga baahan inay arinta ka hadlaan.