Dhammaan shaqaalaha DF oo berri la fasaxay + Sababta

Muqdisho (Caasimada Online) – Dhamaan shaqaalaha rayidka ah ee dowladda Soomaaliya ayaa lafasaxay maalinta Sabtida ah ee berito.

War qoraal ah oo kasoo baxay wasaaradda shaqada iyo arimaha Bulshada ayaa lagu yiri, “Wasaaradda Shaqada & Arrimaha Bulshada XFS waxey ku wargalineysaa dhamaan hey’adaha xukuumadda federaalka Soomaaliya iyo hey’adaha gaarka loo leeyahay iyo shaqaalahooda in Ciida sanadka cusub ee Muslimiinta Hijriyada maalinta Berri ee ay taariikhda tahay 31-8 2019, ama 01-01-1441H, kuna beegan maalintaas qiimaha iyo qadarinta ku leh Muslimiinta Caalamka gaar ahaan ummadda Soomaaliyeed”.

Dhamaan ummadda Soomaaliyeed waxaan rajeyneynaa inay ku ciidaan maalintii uu Nabigeena suuban NNKHA ka hijroodey Magaalada  Makka  una hijroodey Madiina”, ayaa lagu soo gaba gabeeyey qoraalka wasaaradda shaqada iyo arimaha Bulshada Xukuumadda Soomaaliya.

Halkaan ka akhriso warqadda:-