Maxay tahay ujeedada ay dowladda Kenya Axmed Madoobe u difaaceyso?

Dhawaan waxaa doorasho aysan raali ka aheyn Dowladda Soomaaliya kusoo baxay Axmed Madoobe oo mar kale loo doortay Madaweynaha Jubbalanad.

Wasaaradda Arrimaha Gudaha Federaalka iyo Dib u heshiisiinta ayaa arrintaas ka hor timid, kuna tilmaamatay inay tahay doorasho aan sharciga waafaqsaneyn.

Doorashada uu sameystay Axmed Madoobe oo garab ka helayey Dowladda Kenya ayaa kusoo aadeyso xilli ay waqti yar ka dhiman tahay dacwadda muranka badda ee Soomaaliya iyo Kenya.

Doorashadii Jubbaland ka dhacday ayaa waxaa ku kala aragti duwanaa dadweynaha Soomaaliyeed gaar ahaan kuwa kasoo jeedo deegaanada uu maamulkaas ka taliyo.

Dowladda Kenya ayaa si weyn u difaacday Axmed Madoobe si uu mar kale ugu soo baxo Doorashada Jubbaland, waxayna u aragtaa garab weyn oo ay u isticmaali karto boobitaanka Badda Soomaaliya.

Difaacitaanka Dowladda Kenya ee Axmed Madoobe ayaa ujeedka ka dambeeyo waxay tahay sidii ay danaheeda uga fushato, maadaama ay dowladda Soomaaliya ka dhaga adeegtay dalabaadka Kenya ee ahaa in wada hadal lagu dhameeyo kiiska Badda.

Dacwadda Soomaaliya iyo Kenya ayaa waxaa kaliya ka harsan muddo 11 Maalmood ah, waxayna qubarada sheegayaan inay u badan tahay inay guul gaarto Soomaaliya.

Haddaba su’aasha is waydiinta mudan ayaa ah Axmed Madoobe ma Kenya ayuu daacad u noqonayaa mise badda Soomaaliyeed ee ay boobayso ayuu ka difaaci doonaa?

Waxaa Qoray: Cabaas Cali Xasan

Filimside@gmail.com

AFEEF: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid