Dhaqaale xumo maamulka Puntland soo wajahaday oo keentay in la sixi waayo…

Garoowe (Caasimada Online) – Maamulka Puntland ayaa wajahaya xaalad dhaqaale xumo oo daran oo keentay in xitaa Imtixaanka shahaadiga ah ee Puntland lala sixi la’yahay dhaqaale la’aan, sida uu sheegay maamulka

Wasiirka Waxbarashada Puntland Cabdullaahi Maxamed Xasan oo shalay hortagay baarlamanka Puntland ayaa sheegay in tani ay ugu wacan tahay kadib markii dhammaan hay’adihii dhaqaalaha ku bixin jiray ay joojiyeen barnaamijkaas, islamarkaana aysan dowladdu awoodin bixinta karashaadka lagu saxo Imtixaanka.

Wasiirka waxbarashada waxa uu sheegay in dhaqaalaha laga qaado waallidiinta ardayda kaas oo dhan celcelis ahaan 46%, uusan ku filnayn howsha sixitaanka imtixaanka.

Hay’adaha Puntland ka taageeri jiray sixida imtixaanaanadka ayaa gebi ahaanba joojiyay taageeradoodii dhaqaale, taasoo ahayd 40%, sida uu sheegay wasiirka waxbarashada Puntland.

Dhinaca kale wasiirka ayaa tilmaamay in hadda la saxay Imtixaanka shahaadiga ah ee dugsiyada dhexe oo keliya halka kii dugsiyada sare dhaqaale loo waayay.

In ka badan shan kun oo arday oo sannadkan dhammaysay dugsiyada sare ayay arrintaan caqabad ku tahay, kuwaas oo isku diyaarinayay inay jaamacaddaha ku biiraan.

Puntand waa maamulka kaliya ee ka madax bannaan imtixaanka ay qaado dowladda federalka Soomaaliya. Sidaas oo ay tahay sannadihii ugu dambeeyay, Puntland waxay la kulmaysay caddaadis ku aadan inay ka qeyb gasho imtixaanka dowladda ay qaaddo.