Bill Gates oo ku dhowaaqay inuu sadqeynayo $20 bilyan

Seattle (Caasimada Online) – Maal-qabeenka Mareykanka ah ee Bill Gates ayaa ku dhowaaqay inuu bixin doono $20 bilyan oo dollar oo kale oo ka mid ah hantidiisa, si wax looga qabto baahiyaha badan ee ka jira caalamka.

Gates ayaa sheegay in isaga oo ka walaacsan dhibaatooyinka badan ee ka jira caalamka, oo uu ka mid yahay cudurka COVID-19, uu $20 bilyan ugu deeqi doono hay’addiisa, si ay u kordhiso qarashaadka ay bixiso ee sanadlaha ah.

Deeqdan ayaa waxaa wehlin doona lacag dhan 3.1 bilyyan oo dollar oo bishii tagtay uu bixiyey maal-qabeenka kale ee Mareykanka ah ee Warren Buffett oo madax ka ah shirkadda Berkshire Hathaway. 

Lacagtan ayaa ka dhigeysa tirada lacagta guud ee ay gacanta ku hayso hay’adda Bill and Melinda Gates Foundation $70 bilyan oo dollar, oo macnaheedu yahay inay tahay hay’adda sama-fal ee lacagta ugu badan maamusha caalamka oo idil.

Gates ayaa sheegay inuu rajeynayo in maal-qabeenada kale ee caalamka ay ayagana qaadi doonaan tallaabo ay ku bixinayaan qeyb ka mid ah hantidooda.

Hay’adda Gates Foundation ayaa qorsheyneysa inay miisaaniyaddeeda sanadkii kor u qaado 50% oo ay gaarsiiso $9 bilyan oo dollar illaa laga gaarayo 2026.

Waxay rajeyneysaa in sare u qaadidda miisaaniyadda ay horumarin doonto waxbarashada, yareyn doonto saboolnimada, dibna u billaabi doonto horumarka dunida ee ku wajahan cirib-tirka cudurada laga hortagi karo oo uu hakad ku yimid sanadihii dhowaa.

Sida ay sheegtay hay’adda UNDP ee QM, qiyaastii 71 milyan oo qof ayaa dunida saboolnimo ku dhacay tan iyo markii uu billowday duulaanka Ruushku ku qaaday Ukraine 24-ii February 2022.

Bill Gates oo 66 jir ah waa shaqsiga afaraad ee ugu hodansan caalamka, waxaana hantidiisa lagu qiyaasaa $116 bilyan oo dollar, sida ay sheegtay majaladda Forbes.

Gates iyo saaxiibkiisa Paul Allen ayaa wada aas-aasay shirkadda Microsoft, oo ah mid ka mid ah shirkadaha ugu weyn uguna dakhliga badan caalamka.

Bill Gates waxa uu mar ahaa shasiga ugu hodansan caalamka, intii u dhaxeysa 1995-kii illaa 2017, marka laga reebo 2010 illaa 2013. Waxaa hadda darajadaas isku bedbedela Elon Musk iyo Jeff Bezos oo kala maamula shirkadaha Tesla iyo Amazon. 

Bill Gates iyo xaaskiisa Melinda Gates ayaa kala tegay 3-dii May 2021, markaasi oo la rumeysan yahay in Melinda ay qaadatay qiyaastii $65 bilyan oo ka mid ah hantidii qoyska.