Sheekh ka mid ahaa culimada ugu caansan Soomaalida oo caawa geeriyooday

Hargeysa (Caasimada Online) – Allah unaxariistee waxaa goordhow dalka Hindiya Sheekh Aadan Xaaji Maxamuud Xiirey (Aadan Siiro) oo ka mid ahaa culimada Soomaaliyeed ee sida weyn looga yaqaano gudaha dalka iyo dibadda, sida ay xaqiijiyeen ehelkiisaa.

Sheekha ayaa maalmihii ugu dambeeyay ku sugnaa dalkaas iyadoo xaaladdiisa caafimaad lagu baxnaaninaayay, kadib xanuun soo wajahay maalmihi dambe.

Waxa uu ka cabanayay xanuunka macaanka oo saamayn xun ku yeeshay, iyadoo marar kala duwan uu caafimaad u aaday isla dalka Hindiya sannadihii u danbeeyay.

“Caawa waxa geeriyooday hoggaamiye ummadeed, nin aaminsanaa wax wada qabsiga bulshada, wuxuu hindisay Miskiin-kalkaal oo maanta quudiya danyar badan, wuxuu ahaa addoon gacan furan oo sadaqada ka bilaaba naftiisa, wuxuu ahaa codkar caddaalad jecel,” waxaa sidaas yiri xoghayaha Arrimaha Bulshada Xisbiga Waddani Maxamed Sadiiq Dhamme. 

Guuleed Axmed Jaamac (Guuleed Dafac) oo ah garyaqaan u olloleeya caddaalada iyo maamul wanaaga, ayaa qoraal uu ku baahiyay bartiisa Facebook ku yidhi “Cod dheer ayaa caawa damay. Eebe ha u naxariisto. Samir iyo iimaan qoyskiisa ha ka siiyo”.  

Sheekh Aadan Siiro ayaa inta badan waxaa lagu yaqaanay darasaadka ku saabsan Siirada Nabigeenna Muxamed (SCW), oo inta badan ay bulshada kala socon jireen shiikha.

Sheekha ayaa ahaa shakhsi lagu yaqaanay dal jacayl iyo caawinta dadka jilicsan, waxa kale oo lagu yaqaanay in uu si joogto ah u dhaliili jiray xukuumadihii kala danbeeyay ee Somaliland, isaga oo saluug ka qabay nidaamka cadaaladeed ee ay ku shaqaynayeen.