GANACSADE caan ahaa oo caawa lagu dilay Muqdisho

Muqdisho (Caasimada Online) – Allaha u naxariiste waxaa goordhoweyd magaalada Muqdisho, gaar ahaan xaafada Juungal ee degmada Yaaqshiid lagu dilay Ganacsade caan ka ah magaalada oo lagu magacaabo Sheekh Salaad Ciise.

Sida ay Caasimada Online u sheegeen dadka deegaanka waxa dilay nabadoonka oo kamid ahaa ganacsatada waaweyn ee dalka kooxo ku hubeysna bastoolado oo illaa hadda aan haybtooda la aqoonsan.

Wararka ayaa intaas kusii daraya in ciidanka booliiska ay gaareen goobta uu dilku ka dhacay, ayaga oo halkaasi ka bilaabay howl-gallo lagu baadi-goobayo kooxda dilka fulisay.

Majiro illaa hadda wax war ah oo kasoo baxay laamaha amaanka oo la xiriira dilkaan, mana jirto illaa hadda cid sheegatay masuuliyada dilka Ganacsadaha.

Dilkaan ayaa kusoo aadaya xili uu sii xumaanayo amniga magaalada Muqdisho ee caasimada dalka, islamarkaana ay kusoo bateen dilka iyo dhaca loo geysanayo dadka shacabka ah.

Si kastaba, Dilalka noocan oo kale ee loo yaqaano ku dhufo ee ka dhaqaaqda ayaa waxa magaalada Muqdisho ka fuliya xubnaha Al-Shabaab, kuwaasi oo ay ku beegsadaan masuuliyiinta kala duwan ee dowladda iyo dadka maangalka ah.