Dhaqaatiir ka dhoofi rabay baasaboorka Somaliland oo lagu xiray garoonka Muqdisho

Hargeysa (Caasimada Online) – Waxaa garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho lagu xiray laba dhakhtar oo ka howlgaleysay isbitaalka Dr. Adna Aadan ee magaalada Hargeysa, kuwaas oo tiransid ku ahaa Muqdisho kuna sii jeeday magaalada Nairobi ee dalka Kenya.

Dhakhaatiirtaan ayaa ku dhoofiyey baasaboorka Somaliland, waxaana la sheegay in looga jeex- jeexay garoonka Muqdisho, dibna loogu celiyey magaalada Hargeysa.

Dr. Adna Aadan oo madax ka ah isbitaalka ay ka howl-gelayeen dhakhaatiirtaan ayaa sheegtay mudo seddax maalin ah oo dhakhaatiirtaan ay Muqdisho ku xiraayeen kadib, dib loogu soo celiyey magaalada Hargeysa. Iyadoo arrintaas ku tilmaantay aqoon darro dhanka sharciga ah oo Soomaaliya ka jirta, sida ay hadalka u dhigtay.

“Waxaa si caafmaad ah Alle noogu soo celiyey saraakiishii caafimaad ee Xamar lagu afduubtay, sharci ayey ku dhoofeen oo baasaboorka Somaliland ayey wateen, fiisaha dalka ay u socdaan ayaa loogu soo dhuftay, waxay taransid ku ahaayeen garoonka Muqdisho, sharciga aduunka u degan waxa uu dhigayaa in dadka taransidka ku ah dalka aan la dhibaateyn, dalka ay u socdaan ayaa u ogolaada inay ku degaan ama u diida, inta dalka oo ay sii marayaan shaqa kuma laha waxa ay ku dhoofayaan, waa xeer aduunka u degan,” ayey tiri Dr. Adna.

Dr. Adna Aadan oo sii hadleysay ayaa tiri, “Hadii Soomaaliya ay garaneyso sharciga, dad taransid ah baasaboor kama qaadeen, kamana jeex-jeexdeen, seddax maalmoodna afduub kuma heysateen, hadii sharciga aduunka ay garanayaan intaas ma sameeyeen.”

Sidoo kale Dr. Adna ayaa sheegtay in dhakhaatiirtaan ay nabad qabaan, isla markaana ay mar dhow heli doonaan baasabooradii laga jeex-jeexay iyo tababarkii caafimaad ee dowladda Soomaaliya ay dhaafisay.

Waxay dowladda Soomaaliya ku dhaliishay in dhakhaatiirta ay sidaan u gashay dadka ay Hargeysa ku daweeyaan ay u badan yihiin kuwo Muqdisho ka soo doonta daryeel caafimaad.

“Maalin kasta dadka ay daweeyaan Xamar ayey ka yimaadaan, Garowe ayey ka yimaadaan oo Boosaaso ayey ka yimaadaan, qaar ka mid ah madaxda Soomaaliya ayaa la socotay diyaaradii ay maanta ka soo degeen dhakhaatiirtaan, mana jirto cid dhib u geysatay, sababtoo ah magan ayey noo yihiin,” ayey tiri Dr. Adna Aadan oo shir jaraa’id ku qabtay magaalada Hargeysa.