Dhaqtar soo arkay Kim Jong Un oo XOG xasaasi ah ka bixiyey xaaladiisa caafimaad

Pyongyang (Caasimada Online) – Xaaladda caafimaada ee hoggaamiyaha Korea-da Waqooyi Kim Jong Un ayaa lagu warramay inay tahay “miyir uusan lahayn” kadib markii qalliin guul-darreystay looga sameeyey wadnaha, sida laga soo xigtay dhaqaatiirtii daweysay.

Inkastoo warar qaar ay werinayaan inuuba dhintay, haddana warbaahinta lagu kalsoon yahay waxay sheegayaan inuu ku sugan yahay xaalad aad u liidata.

Wargeyska toddobaadlaha ah ee dalka Japan ee Shukan Gendai ayaa weriyey in xubin ka mid koox caafimaad oo Shiinaha ay u direen Korea-da Waqooyi uu xaaladda Kim u sharxay tifaftiraha saree e Wargeyska Kondm Daisuke.

Dhaqtarkan ayaa sheegay in intii lagu guda jiray booqasho uu horraantii bishan ku tegay baadiyaha, uu Kim wadnaha qabsaday kadibna dhulka ku dhacay.

Dhaqtar wehliyey ayaa durba siiyey neef, kadibna waxaa loola cararay qeybta xaaladda deg degga ee isbitaal ka ag dhowaa, halkaas oo looga sameeyey qalliin dhinac wadnaha ah.

Kooxda caafimaadka ayaa rumeysan in qalliinka fududaa, balse daahitaan dhacay uu sababay in Kim Jong un uu galo xaalad halis ah.

“Kim wuu soo jeedaa, wuu ku eegayaa balse ma lahan wax dareen warqab ah,” ayuu yiri.

Shiinaha ayaa markaas kadib koox caafimaad u diray Korea-da Waqooyi, si ay u talo-siiyaan, sida laga soo xigtay dad xog-ogaal u ahaa arritan.

Wafdi ka socda qeybta xiriirka caalamiga ah ee xisbiga xukumada Shiinaha ayaa sidoo kale khamiistii ka tegay Beijing ayaga oo aaday Korea-da Waqooyi, sida ay Reuters kasoo xigatay laba qof oo xog-ogaal ah.

Arrintan ayaa imaneysa ayada oo wargeyska fadhigiis yahay Seoul ee Daily NK, uu horraantii toddobaadkan weriyey in Kim uu kasoo kabanayo qalliin wadnaha looga sameeyey 12-kii April.

Kim, oo la rumeysan yahay inuu 36 jir, ayaa muddo dhowr toddobaad ah kasoo muuqan warbaahinta dowladda, taasi oo shaki sii gelisay xaaladdiisa caafimaadka.

Inkasta oo Korea-da Waqooyi weli aysan shaacin cidda beddeli doonta, haddii uu geeriyoodo ama xaalad caafimaad darteed oo shaqeyn kari waayo, haddana khubarada ayaa rumeysan in walaashiid Kim Yo Jong ay noqon doonta hogaamiyaha cusub ee Korea-da Waqooyi, ugu yaraan muddada xaaladda kala-guurka ah.

Khubaro kale ayaa rumeysan in Korea-da Waqooyi ay si wadajir ah u maamuli doonaan hoggaanka ama dadka ugu xisbiga talada haya, si la mid ah Midowga Soviet kadib geeridii Stalin.