Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa caawa si degdeg ah ugu soo laabtay magaalada Muqdisho, isagoo kaligiis diyaarad kasoo qaatay magaalada Moqokori ee gobolka Hiiraan, halkaas xubnihii kale ee wafdigiisa uu uga soo tegay.
Madaxweynaha oo berri ku laabanaya furimaha dagaalka ayaa Muqdisho ugu soo laabtay inuu la kulmo Wasiiru-Dowlaha arrimaha dibedda ee dowladda Imaaraadka Carabta, ahna dhaxal sugaha Mudane Sheekh Shakhboot Nahyan Al Nahyan oo galabta Muqdisho soo gaaray.
Inkastoo aan la ogeyn ajendaha wadahadalka Madaxweynaha Soomaaliya iyo dhaxal-sugaha Imaaraadka, hadana Imaaraadka ayaa saameyn badan ku leh gudaha Soomaaliya.
Wasiiru dowlaha dhaxal-sugaha Imaaraadka ah ee Muqdisho yimid ayaa maanta soo saaray qoraal uu garab istaag ugu muujiyey Madaxweyne Xasan Sheekh oo shalay kolonyo uu la socday qarax lagula beegsaday gudaha Muqdisho, xilli uu u socday furimaha dagaalka.
Dowladda Soomaaliya ayaa dhaqaale ahaan si weyn ugu tiirsan Imaaraadka, si gaar ah waxay Soomaaliya ka taageeraan dagaalka Al-Shabaab, mushaarka Ciidamada qaar, kabka miisaaniyadda iyo lacago kale oo mararka qaar ay dowladdu u baahato.
Dhowaan Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa safar aan xogtiisa la shaacin ku tegay dalka Imaaraadka, isagoo la soo kulmay madaxda dalkaas, xogta ay Caasimada Online ka heshay kulamadii dhacay waxay sheegeysaa in Soomaaliya ay dalbaneysay dhaqaale badan, mana cadda in la siiyey.
Sidoo kale, Safarkaan uu Dhalax-sugaha Imaaraadku ku yimid Muqdisho wuxuu ku soo aadayaa iyadoo xilkii laga qaaday wasiirkii Gaashaandhigga Cabdulqaadir Jaamac oo Madaxweyne Xasan Sheekh u hayey galka Imaaraadka.
Waxaa xusid mudan in dhowr mar Imaaraadku uu dowladda federaalka Soomaaliya ku cadaadiyey hufnaan u maamulidda dhaqaalaha ay siiyaan, iyadoo mar ay dalbadeen baaritaan, balse saraakiishii loo xilsaaray baaritaankaas ayaa lagu dilay toogasho ka dhacday xerada Jeneraal Goordan ee magaalada Muqdisho.
Wixii ka dambeeyey markii saraakiishaas la dilay, waxaa is bedeshay firfircoonidii Imaaraadku la garab taagnaa Soomaaliya, waxayna Xasan Sheekh u muujiyeen in dhabarka ay xijiyeen, iyagoo ka wareegay dhanka Soomaliland iyo maamul goboleedyada kale qaar, ilaa ay Cabdiraxmaan Cirro ku casuumeen maqaamkii uu lahaa Xasan Sheekh.