Muqdisho (Caasimada Online) – Qoraal ka soo baxay Midowga Yurub ayaa lagu bogaadiyey Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, oo gaaray furimaha dagaalka, si uu u hoggaamiyo howlgallada ka dhanka ah khawaarijta oo ay ku jiraan Ciidamada Qaranka.
“Midowga Yurub wuxuu mar kale xaqiijinayaa sida ay uga goâan tahay in uu taageero Dowladda Federaalka Soomaaliya dagaalka ay kula jirto khawaarijta iyo kooxaha kale ee argagixisada ah,” ayaa lagu yiri qoraalka ka soo baxay Midowga Yurub.
Tan iyo shalay markii Muqdisho qaraxa lagula beegsaday Madaxweynaha waxaa soo hadlayey dowladaha taageerada iyo garab istaagga u muujinaya Madaxweynaha Soomaaliya oo dagaal kula jira kooxaha Khawaarijta ah.
Dawladaha soo hadlay waxaa kamid ah Imaaraadka Carabta oo si xooggan u cambaareysay weerarkii argagixiso ee lagu doonayay in lagu khaarijiyo Madaxweynae Xasan Sheekh Maxamuud, kaas oo sababay dhimasho iyo dhaawac adad shacab ah oo aan waxba galabsan.
Wasiiru-Dowlaha arrimaha dibedda Imaaraadka Carabta Sheekh Shakhboot Nahyan Al Nahyan, ayaa sheegay in dalkiisu si adag u cambaareynayo falalka argagixisanimo iyo dambiyada noocan ah, isagoo carrabka ku adkeeyay in Imaaraadku uu mar walba kasoo horjeedo dhammaan noocyada rabshadaha iyo argagixisada ee ujeeddadoodu tahay in lagu wiiqo amniga iyo xasilloonida, taasoo ka hor-imanaysa shuruucda caalamiga ah.
Sidoo kale, dowladda Qatar ayaa si adag u cambaaraysay weerarkaas oo lala beegsaday kolonyadii Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, xilli uu ku sii jeeday Furimaha dagaalka.
Wasaaradda Arrimaha Dibadda Qatar ayaa shaacisay mowqifka adag ee dalkaasi ka qabo diidmada rabshadaha iyo argagixisada nooc kasta ha ahaato sababta iyo ujeeddadu. Sidoo kale, bayaanka Qatar ayaa tacsi loogu diray qoysaska dadkii ku dhintay weerarkaas, dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed.
Sidoo kale, waxaa jira dowlado kale oo weerarkaasi uu ku soo jeediyey khatarta ay leeyihiin kooxaha argagixisada ah, kuwaas oo garab istaag u muujiyey dowladda federaalka Soomaaliya, isla markaana ka balan-qaaday inay ka qeyb qaadanayaan sidii loo wiiqi lahaa halista cadowgaas.