Moqokori (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo ay wehliyaan taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka iyo Taliyaha Nabad Sugidda Qaranka ayaa degmada Moqokori kulan furan kula qaatay hogaanka ciidamada shacabiga ah ee Macawiisleyda.
Sidoo kulanka waxaa qeyb ka ahaa masuuliyiin ka tirsan dowlad-goboleedka Hirshabeelle iyo waxgaradka deegaanka, kuwaas oo Madaxweyne Xasan uu kala hadlay dagaalka Khawaarijta.
Madaxweynaha ayaa ka dhagaystay bulshada Maqokori iyo Hoggaanka Ciidamada Macawsiilayda talooyinkooda ku aadan dagaalka ka dhanka ah khawaarijta.
Madaxweynaha ayaa ku bogaadiyey bulshada Hirshabeelle sida ay dhiiggooda ay ugu hurayaan in ay iska dulqaadaan argagixisada gumaadka ku haya shacabka Soomaaliyeed.
Xasan Sheekh oo habeenkii labaad ku hoyanaya degmada Moqokori ee gobolka Hiiraan ayaa reer Hiiraan ku amaanay kaalintooda dagaaka, isagoo si furan u dhex galay lana sheekeystay ciidamada. Macawiisley.
Geesiyaasha dadka deegaanka ayaa madaxweynaha ka balan qaaday in dagaalka ay ku garab isytaagayaan dowladda, isla markaana ay diyaar u yihiin inay ka howlgalaan oo ka dagaalamaan deegaano kale.
Dadka reer Moqokori oo la xusuuso sidii ay cashirada ugu dhigeen Khawaarijta, isagana difaaceen ayaa diyaar garow aan horay loo arag ku soo bandhigay fagaarihii uu kula kulmay Madaxweyne Xasan Sheekh.
Xasan Sheekh oo tuutihiisa u xirtay xoreynta dalka, ayaa shalay tegay Aadan- yabaal, isagoo xalay uu ku hoyday degmada Moqokori oo caawa uu joogo, waxaana la sheegay inuu degi doono gobolka Shabeellaha , gaar ahaan degmada Cadale.