Dhisidda maamulka sharciga ah ee gobolka BANAADIR

Matalaadda Shacabka Gobolka Banaadir

Shacabka ku nool Gobolka Banaadir waxaa in muddo ah ka maqan xuquuqdooda Dastuuriga ah, waxaana taaggan muran xooggan oo ku saabsan xal u helidda mushkiladda siyaasadeed ee Gobolka kajirta, mana jiraan Madax ay doorteen dadka ku dhaqan Gobolka isla markaana ku hadla afkooda si ay helaan xuquuqda ka maqan, inkastoo ay jiraan dad badan oo u doodaya xuquuqda kamaqan shacabka ku nool Gobolka, haddana dadkaas mahaystaan sharciyad ama oggolaansho ka timid shacabka si ay ugu hadlaan afka dadka deggen Gobolka.

Waxaa qasab ah in lahelo Madax ay si sharci ah u soo doorteen shacabka kunool Gobolka Banaadir ee ku timid rabitaankooda si ay ugu hadlaan afka shacabka ku nool Gobolka Banaadir, si loo helo wakiillada rasmiga ah ee sida saxda ah u raadin kara xuquuqda Dastuuriga ah shacabka Gobolka Banaadir. waxaa muhiim ah in loo jiheysto samaynta wakiillo sharci ah una idman in ay ka arrimiyaan qadiyadda taaggan ee Gobolka Banaadir isla markaana shacabka Gobolku raali ka yihiin.

Shacabka ku nool degmo walba oo kamid ah waxa ay soo dooranayaan Gudoomiyaha Degmadaas iyo labada kuxigeen, waxayna noqonayaan wakiillada rasmiga ee shacabka ku nool degmada, islamarkaana ku yimid oggolaasho dimoqraaddi ah oo ay ku matalaan shabacka ku nool Degmadooda. Maamulka cusub ee laga soo doortay Degmooyinka waxa ay dooranayaan Maamulka Gobolka sida Gudoomiyaha Gobolka Banaadir iyo sedexdiisa Kuxigeen, waxaa halkaas ku dhismaya Maamulka Gobolka Banaadir oo ay soo doorteen shacabka kunool Gobolka Banaadir.

Dhismaha Maamul Sharci ah

Aasaaska Maamullada Sharciga ah waxaa u dub dhexaad u ah raali ahaanshiyaha shacabka ku nool deegaanka Maamulkaas uu ka shaqeyn doono, sharciyadda lagu unkayo samaynta Maamul dhaqangal ah ayaa ah mid u baahan garawshiyo guud oo ay garwaaqsadaan isla shacabka Maamulka dhisanayo, jidka loo marayo dhismaha Maamulka ayaa qasab ah inuu noqdo mid furan una sahlan dadka oo dhan ka qayb- galiddiisa, islamarkaana si cad u qeexan yahay ayna fahmi karaan dhammaan dadka dhisanaayo Maamulka.

Shacabka ku nool Gobolka Banaadir ayaa u baahan in ay helaan Madax iyo maamul ku yimid rabitaankooda si ay ugula xisaabtamaan adeegyada dowladda hoose oo ay u xilsaarteen islamarkaana kumatala Dowladda Federaalka, waxaa isweyndiin mudan sidee ugu habboon ama ugu sahlan ee lagu heli karaa Madax ku timid raali ahaanshaha shacabka kunool Gobolka Banaadir iyadoo loo marayo wado sharciyeysan lana jaan-qaadi karta duruufaha ka jira Gobolka Banaadir.

Hannaanka casrigan ka dhaqan galay adduunyada ayaa ah nidaanka dimoqraaddiga furan ah, oo ay u simman yahiin shacabka ku nool deegaanka Maamulka samaysanayo, waana habka lagu garto xalaalnimada Maamulka ladhisayo iyo sharciyadda uu ku yimid Maamulka, su,aasha ugu horreysa ayaa noqonaysa sidee loo helaa Madaxda ku timid rabitaanka shacabka Gobolka Banaadir islamarkaana ku timid wado sharci ah ee matalaysa shacabka Gobolka Banaadir?

Doorashada Maamulka Gobolka Banaadir

Si looga dhabeeyo qabsoomidda doorashooyinka Degmooyinka Gobolka Banaadir, waxaa habboon in lasahmiyo ama aragti xaqiiqda udhaw laga qaato sida shacabka ugu heellan yihiin ka qaybgalka hannaanka doorashada Degmooyinka,

Suurtogalnimada in ay Degmooyinka ka dhacdo doorasho qof iyo cod ah waxaa ay lagama maarmaan u tahay ah in tusaale cad ay u noqoto loogana qiyaas qaato doorashada guud ee lagu taamayo in dalka ka qabsoonto 2020/21, iyo heerka dimoqraaddiyenta bulshada gaarsiisan tahay iyo fahamka guud ee khibradaha qabashada howlaha doorashooyinka.

Doorashada Degmooyinka waxaa ugu horreeya HAB wadar oggol ah ay wada aqbaleen dhammaan hay’adaha Dastuuriga ah ee Dowladda Federaalka iyo Guddiga Doorashooyinka Qaranka ee ku shaqada leh oo ay quseyso qabsoomidda doorashooyinka lagu qabanayo deegaanno kooban isla markaana ay suurtogalka ka tahay dhinac walba.

Marka laga helo oggolaansho Hay’adaha kor ku xusan oo ay quseyso qabsoomidda doorashada Degmooyinka, howsha ugu horreysa ayaa ah in lasameeyo Guddi qabta howlaha Doorashada oo ka imaanaya Wasaaradda Arrimaha Guddaha Dowladda Federaalka iyo Guddiga Doorashada Qaranka, kahor u diyaargarowga qabsoomidda doorashada, si ay usoo diyaariyaan qorshaha ugu habboon ee suurtagalka  ah ee lagu qaban karo Doorashada Degmooyinka Gobolka.

Gunaanad.

Shacabka ku nool Gobolka Banaadir waxay baahi badan u qabaan in ay helaan xuquuq Dastuuri ah islamarkaana ay soo doortaan madax ku timid rabitaankooda, shacabka Gobolka waxaa ay u huraan dowladnimada Dhiig iyo Dhaqaale badan oo aanan halkan lagu koobi karin, waxayna abaal badan ku leeyihiin dhammaan Madaxda dalka iyo Dowladda Federaalkaba, waxaana lagaaray waqtigi abaalkaas loo gudi lahaa iyadoo loo marayo wado sharci ah Isla markaana raali ka yihiin.

Madaxda dalka ee xilalka haysa iyo siyaasiyiinta deggen Gobolka Banaadir waxaa waajib ku ah in ay garab istaagan sidii shacabkan u heli lahaayeen madax iyo Maamul ay iyagu toos u soo doorteen una istaaga danooda gaarka ah, shacabka Gobolka Banaadir xuquuqda ugu horreysa ee ka maqan ayaa ah matalaad ay soo doorteen ee ku timid nimaad dimoqraadi ah, dhammaan Madaxda, waxgaradka, siyaasiyiinta iyo aqoonyahannada kunool Gobolkan waxaa mas’uuliyad dusha ka saaran ah in ay suurtagaliyaan sida shacabka Gobolka Banaadir ku nool u heli karaan matalaad ku timid Doorasho Xaq iyo Xalaal ah.

W/Q: Muxudiin Iimaan
Muhyadiin7@hotmail.com

Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid