Dhisme ay ku sugnaayeen xubno Al-Shabaab ah oo weerar culus lagu qaaday

Saakow (Caasimada Online) – Ciidamada Mareykanka ayaa maanta weerar duqeyn ah la beegsaday dhisme ay ku sugnaayeen dagaal-yahanada kooxda Al-Shabaab oo ku yaalla magaalada Saakow ee gobolka Jubbada Dhexe, sida lagu sheegay qoraal kasoo baxay taliska AFRICOM.

AFRICOM waxay sheegtay in duqeyntaas ay burburisay dhismihii islamarkaana dagaal-yahano badan oo Shabaab ay carareen, ayada oo xaalad argagax leh ay abuurantay. Qoraalka laguma sheegin haddii ay jiraan khasaare dhimasho iyo dhaawac.

Qoraalka ayaa intaas ku daray in qiimeyn horudhac ah ay muujineyso inay duqeynta aysan waxba ku noqon dad shacab ah.

“Dadaallada lagu kala dhantaalayo howlgallada cadowga, sidoo kalena lagula soconayo oo cadaadis lagu saarayo Al-Shabaab weli waa ay socdaan,” ayaa lagu yiri qoraalka kasoo baxay AFRICOM.

Weerarkan ayaa imanaya ayada oo ciidamada Mareykanka ee Soomaaliya ay billaabeen howlgalka Octave Quartz ee ay uga baxayaan Soomaalia kahor 15-ka Janaayo 2021, sida uu amray madaxweynaha xilka ka degaya Donald Trump.

Mareykanka ayaa waxaa Soomaaliya ka joogaa 700 oo askari oo badankood qabta howlo isugu jira tababarka ciidamada Danab ee Soomaaliya, iyo fulinta howlgallo qorsheysan oo ka dhan ah Al-Shabaab.

Waxaa hadda xeebaha Soomaaliya ku xiran Markab weyn oo Mareykanka uu usoo diray inay ciidankaas kasoo saaraan Soomaaliya.