Daawo: CABDI XAASHI oo shaaciyey tallaabo halis ah oo uu qaaday FARMAAJO

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha Aqalka Sare Cabdi Xaashi Cabdullahi ayaa Madaxweyne   Farmaajo ku eedeeyay inuu maanta ku dhaqaaqay tallaabo halis gelinaysa jiritaanka hey’addaha dastuuriga ah ee dalka, isla markaana uu doonayo in dalku uu burburo.

Guddoomiye Cabdi Xaashi ayaa sharci darro ku tilmaamay tallaabadii uu maanta madaxweyne Farmaajo ku saxiixay dib u dhigista, ansixinta wax-ka-beddelka dastuurka kumeel gaarka ah ee dalka.

Sidoo kale waxa uu sheegay in shaqadaas loogu tala galay labada Aqal ee baarlamaanka Soomaaliya, isla markaana uu madaxweynuhu si baal marsan shuruucda dalka uu u saxiixay go’aankaas.

“Anigoo ku hadlaaya magaca golaha Aqalka Sare, isla markaana gudanaaya waajibaadka  isaaran, waxaan halkaan ka cadeynayaa inuu madaxweynuhu ku dhaqaaqay jiritaanka dastuuriga ah ee hey’adaha dowladda federaalka Soomaaliya, isagoo si ula kac ah u sameeyey xadgudubyada kala ah, hor istaagid xilgudashada baarlamaanka federaalka Soomaaliya oo u xilsaaran dib u eegista, wax ka bedelka dastuurka ku meel gaarka ah iyo qabashada afti dadweyne oo si kama dambeys ah loogu ansixiyo dastuurka dalka,” ayuu yiri guddoomiye Cabdi Xaashi.

“Sidaas darteed xeerka uu maadxweynuhu soo saaray waxuu baalmarsanyahay dastuurka KMG ah ee dalka, mana laha wax raad sharci ah,” ayuu hadalkiisa ku sii daray guddoomiyaha Aqalka Sare.

Isagoo sii hadlaayey ayuu yiri, “Go’aan kasta oo ku saabsan maareynta iyo ansixinta dib-u-eegista dastuurka waxaa si gaar ah ugu xil saaran labada aqal ee Baarlamaanka Federaalka, sida ku cad qodobka 63-aad (A) iyo qodobka 71aad (A) ee dastuurka KMG ah iyo habraaca dastuuriga ee ku qeexan cutubka 15-aad ee Dastuurka KMG.”

Qoraal maanta ka soo baxay xafiiska madaxweyne Farmaajo ayaa lagu yiri, “Iyadoo aan waxba loo dhimeyn Qodobka 136aad ee Dastuurka KMG, Madaxweynuhu waxa uu dib-u-dhigay ansixinta dib-u-eegista Dastuurka, waxa uuna Baarlamaanka 11aad u gudbiyey qabyo qoraalka ay soo diyaariyeen Guddiga Madaxabannaan ee Dib-u-eegista Dastuurka, ansixiyeenna Guddiga La Socodka BFS, iyadoo ay la socoto warbixin faah-faahsan, habraaca ansaxinta Dastuurka KMG iyo qabyo-qoraalkii 3-aad ee Dastuurka KMG, si loo dhameystiro looguna ansixiyo muddada Xilhaynta Baarlamaanka 11aad.”

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo isna si adag uga hor yimid digreetada madaxweyne Farmaajo ayaa sheegay in madaxweynuhu uu ka tallaabay sharciyaddiisa, isla markaana u dhacay tan baarlamaanka, isagoo ku eedeeyey in tallaabadaan uu ka damacsanyahay digtaatooriyad cusub, sida uu hadalka u dhigay.

Hoos ka Daawo guddoomiye Cabdi Xaashi