Golaha wasiirada oo shaaca ka qaaday qorshe ay ciidanka DF u joogaan xadka Kenya

Muqdisho (Caasimada Online) – Shirkii Golaha Wasiirada Soomaaliya ee maanta ayaa looga hadlay ciidamada ay dowladda federaalka gaysay gobolka Gedo, gaar ahaan magaalada Beledxaawo ee ku teedsan xuduudda Kenya.

Golaha Wasiirada ayaa sheegay in ciidamadaas ay wadaan howlgallo lagu xaqiijinayo amniga soohdinta, oo ka socda aagga Mandheera iyo Beledxaawo.

Golaha Wasiirada ayaa sidoo kale sheegay in aaggaas ay jabhado abaabulan ay weerarro qorshaysan ka geystaan, inkasta oo weli aysan jirin dhacdooyin si madax-banaan loo soo xaqiijiyey oo halkaas ka dhacay, kuwaasi oo ay fuliyeen jabhadda ay sheegtay dowladda.

Qoraal kasoo baxay Golaha Wasiirada ayaa lagu yiri “Wasaaradaha Amniga iyo Gaashaandhigga ayaa warbixin ka siiyey Golaha xaaladaha amni ee dalka, xiligan lagu jiro doorashooyinka iyo howgallada lagu xaqiijinayo amniga sohdinta ee Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed ay ka wadaan aagga Beledxaawo iyo Mandheera, halkaas oo jabhado abaabulan ay weerarro qorshaysan ka geystaan.”

Maamulka Jubaland ayaa horey ugu eedeeyey madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo inuu ciidamada qaranka u adeegsanayo inuu ku burburiyoi maamulkaas, isaga oo ku teegeeraya qabiilkiisa.

Ciidanka la geeyey xuduudda ayaa qeyb ka ah xudunta muranka u dhaxeeya Soomaaliya iyo Kenya ayada oo dowladda federaalka ay ku eedeysay Kenya inay Mandheera ku hayso “jabhad” uu hoggaamiyo Cabdirashiid Janan.

Wasiirka arimaha dibadda dalka Jabuuti Maxamuud Cali Yuusuf ayaa xalay si rasmi ah u shaaciyey in wafti ka kooban mas’uuliyiin ka tirsan dowladda Djibouti oo iskugu jirra diplomaasiyiin iyo saraakiil sare oo milatari ay usoo direen Soomaaliya.

Wasiirka ayaa sheegay in wafdigan ay soo qiimeyn doonaan xaaladda soohdinta Soomaaliya iyo Kenya, gaar ahaan degmooyinka Belad Xaawo iyo Mandheera, oo ay xiisado ka oognaayeen maalmahan.

In wafdi loo diro xuduudda ayaa qeyb ka aheyd shuruud ka timid dowladda federaalka markii ay madaxda IGAD ku kulmeen Jabuuti, halkaasi oo looga hadlay sidii loo soo celin lahaa xiriirka Soomaaliya iyo Kenya.