Doon ay saarnaayeen muhaajiriin Afrikaan ah oo ku degtay mediterranean-ka

Tunis (Caasimada Online) – Dowladda Tuniisiya ayaa sheegtay in la helay Maydadka 20-ruux oo Tahriibayaal ah, halka Kooxaha Gurmadka ay ku howlan yihiin raadinta Dad kale oo aan nolol & geeri lagu heyn, balse gurmadka baadigoobkoodu socdo.

Doonyaha ilaalada xeebaha ee Tunisia ayaa meydadka ka soo saaray magaalo xeebeedka Sfax ee bartamaha Tunisia maalintii Khamiista.

Waxaa weli socda baadigoob loogu jira ugu yaraan 20 qof oo kale oo wali la la’yahay, halka shan qofna la soo badbaadiyay.

Doonta oo ay la socdeen dad tiradooda lagu qiyaasay 45 qof ayaa la sheegay in ay ka yimaadeen wadamada ka hooseeya Saxaraha Afrika, waxaana ay doonayeen in ay gaaraan dalka Talyaaniga.

Doonida oo uu culeys badan saarnaa isla markaana xaaladdeedu liidato, ayaa waxaa soo food saaray dabeylo xoog leh oo laga yaabo inay ka qeyb qaateen degitaankeeda, afhayeenka ilaalada qaranka Cali Ayari ayaa u sheegay wakaalada wararka ee AP.

Dowladda Tunisia Ma aysan sheegin dhalashada Tahriibayaashaan Afrikaanka ah ee doonta la degtay, waxaana lagu wadaa in marka ay soo gaba-gabeeyaan howlgalka raadinta dadka maqan in ay soo gudbiyaan dalalka ay kasoo kala jeedaan.

Wasaaradda Arrimaha Dibadda Tuniisiya ayaa sheegtay in ay qabatay in ka badan 8,581 oo dalkaas u tagay in ay kasii tahriibaan intii u dhaxeysay Janaayo Bilawga 2020 ilaa September 2020.

Kumanaan muhaajiriin ah ayaa sanad walba iskudaya in ay ka gudbaan badda Mediterranean-ka si ay ugu sii gaaraan Yurub, iyadoo qaybo ka mid ah Tunisia iyo Libya ay yihiin goobo muhiim ah oo ay ka baxaan dadka muhaajiriinta ah ee naftooda halliga.

Qaar badan oo ka mid ah muhaajiriinta ayaa ka soo jeeda waddamada ka hooseeya Saxaraha Afrika kuwaasi oo ka cararaya dhibaatada dhaqaale iyo dhibaatooyinka dalalkooda ka jira.

Tirada socdaalada muhaajiriinta ee ka imaan jiray Tunisia ayaa hoos u dhacday tan iyo sanadkii 2011, kadib markii xukunka laga tuuray xukuumadii kacaanka ee hogaamiyihii hore ee dalkaas Zine al-Abidine Ben Ali.

Kooxaha loo yaqaan Magafayaasha Liibiya oo lacago badan ka qaata dhalinyarada Tahriibka u tagta Waddankaan dhaca Waqooyiga Afrika ayaa dhibaatooyin kale u geysta Tahriibayaasha, taasi waxa ay keentay in marino kale ay day-daydaan kooxaha lacagaha badan ka hela Tahriibinta dadka.