Dhisme ku yaalla NAIROBI oo lagu kala cararay kadib warqad hanjabaad qarax ah

Nairobi (Caasimada Online) – Wararka ka imanaya Nairobi ayaa sheegay in lagu kala cararay dhisme ku yaalla magaalada Nairobi ee caasimadda dalka Kenya, kadib cabsi ah in halkaas qarax uu ka dhici rabo.

Khuburada miinooyinka ayaa la geeyey islamarkaana hadda baaritaan ku haya dhismaha Doctor Park, oo ku yaala waddada 3rd Parklands Avenue ee Nairobi.

Madaxa booliska ee magaalada Nairobi Philip Ndolo ayaa sheegay in dhismaha maanta looga tegay  warqad digniin ah oo lagu sheegay in halkaas uu qarax xooggan ka dhici karo daqiiqad kasta.

Illaa iyo hadda lama yaqaan cidda warqadda dhigtay, hase yeeshee waxay keentay in booliska iyo khuburada miinooyinka la waco, dadkan laga saaro.

Waxaa sidoo kale goobta la geeyey oo gebi ahaan hareeyey booliska ka hor-tagga argagixisada, oo heegan ku jira.

Wixii kusoo kordha nagala soco dhowaan, Insha Allah.