Israel oo qorshaha Trump uga faa’iideysanaysa arrin ay muddo ku taameysay

Tel Aviv (Caasimada Online) – Wasiirka difaaca mayalka adag ee Israel ayaa Arbacadii ku baaqay in Israel ay si rasmi ah qeyb ka mid ah dalkeeda ugu sheegato saddex meelood meel ka mid ah dhulka la haysto ee Daanta Galbeed.

Naftali Bennett ayaa sababta ku sheegay qorshaha madaxweynaha Mareykanka Donald Trump uu ku dhowaaqay dhowaan ee Bariga Dhexe, oo deegaanada Danata Galbeed siinaya Israel.

Qorshaha Trump ee nabadeynta Israel iyo Falastiin oo loogu magac daray “Heshiiska Qarniga” ayaa dhigaya in dhammaan deegaanada Yahuudda ee Daanta Galbeed ay kusii jaraan gacanta Israel.

Wasiir Naftali Bennett, oo ka mid ah dowladda isbaheysiga ee Netanyahu, balse ka tirsan xisbiyada midigta fog, ayaa amray in la sameeyo koox sharciga iyo madax-banaanida Israel ku dabaqda dhammaan deegaanada Yahuudda ee Daanta Galbeed.

“Xalay taariikh ayaa albaabka noo oo garaacday, waxayna na siisay fursad hal mar la arag ah oo aan dhammaan sharciyada Israel uga hir-gelino Samaria, Judea, Dooxada Jordan, iyo Waqooyiga Badda Dhimatay” ayuu yiri wasiirka difaaca Naftali Bennett.

Falastiiniyiinta ayaa hadalladiisa ku macneeyey inuu caddeyn u yahay in qorshaha Trump uu Yahuudda u fasaxayo inay si rasmi ah u sheegato Daanta Galbeed, oo ay haysatay tan iyo sanaddii 1967-kii, markaasi oo ay ku qabsatay dagaalkii Carabta iyo Israel.

Dhinaca kale, dowladaha Carabta ayaa ka gaabsaday inay cambaareeyaan qorshaha Trump, ayada oo wararka qaarna ay sheegayaan in Sacuudiga, Masar iyo Imaaraadka Carabta ay taageersan yihiin.

REUTERS